Haweenayda Madiga ku ah Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo Balanqaad u Samaysay Shacabka iyo Axsaabta DAAWO
Hargaysa 09.Feb 2015 (SDN/QJ)- Marwada madaxweynaha ayaa ka qayb gashay Xaflad lagu maamuusayay Marwo Kaltuun Sh,Xasan Cabdi oo Ka Mid ah 7 Xubnood ee Komiishanka Doorashooyinka qaranka taas oo lagu qabtay Ambassador Huteel.
Kulankaasi waxaa ka qayb galay oo Kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid,Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Marti sharaf kale.
Waxay Mas’uuliyiintii Kulankaasi ka hadlay uga mahadceliyeen Madaxweynaha J.S.L u soo Xulida Marwo Kaltuun Sh.Xasan Cabdi ee ka mid noqoshada Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, iyagoo xusay inay u arkaan Shakhsiyad hannan karta Mas’uuliyada Qaran ee Gudida Doorashooyinka Qaranka .
Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in haweenku ay daacad u yihiin Hawl qabad kasta oo qaranka kaga soo beegma.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Sheegay in Xukuumada iyo Xisbigeeda Kulmiye aanay Shaqo ku lahayn arrimaha doorashada Cida hawshaas laga sugayaanaa ay tahay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka.