Haweenayda Jilida Filimada ku Caanbaxday ee Angelina Jolie oo Si Weyn u Taageertay Xuquuqda Falastiin iyo Ayaan Xirsi oo la Safatay Yuhuuda
Washington 05,Aug 2014 (SDN/QJ)- Ayaan Hersi Ali oo ah haweeneey ku caan baxdey Ceebaynta iyo aflagaadaynta diinta islaamka iyo Musliimta, isla markaana sheegata in ay tahay haweeneey u dooda xuquuqda haweenka ayaa si weyn looga hadal hayaa dunida kadib wareysi ay siisay wargeys kasoo baxa Isra’el oo lagu magacaabo Israel Hayom’sYael Lerner.
Ayan Hersi oo wax laga weydiiyay dagaalka ka socda Qaza ee u dhaxeeya Falastiin iyo Yahuuda ayaa sheegtay in aan xal iyo nabad laga gaari doonin ilaa iyo inta ay jiraan waxa ay ugu magac dartey Muslimiinta mayalka adag ee Jihaad doonka ah.
Ayaan ayaa intaas kusii dartey in XAMAAS iyo inta taageerta oo la tir tiro kaliya xal lagu heli karo, maadaama ay ku sheegtay in Isra’el ay xaq u dirir tahay, halka ay Xamaas qas wadayaal wax qariba ku sifeysay.
Waxaa kaloo gaalo raac Ayaan Hersi ay eedeysay dowladaha Islaamka gaar ahaan dalalka Carabta ee Saliidda qaniga ku ah, kuwaasoo ay ka mid yihin Qatar, ayadoo ku tilmaantey in ay taageero xoog leh siiyaan Xamaas iyo Alqaacida kale ee mayalka adag sida ay hadalka u dhigtey.
Ayaan Hersi oo gaalo raac noqotey, sidoo kalena mar hore cadeysatey in ay Islaamka aad u neceb tahay ayaa doodaha iyo wareysiyada ay ka qeyb gasho ku ihaaneysata islaamka iyo muslimiinta waxa ayna marwalba ku cel celisaa in diinta Islaamku aaney aheyn sida la sheego (DIIN NABADEED).
Ugu danbeyna ayadoo qosleysa ayey Ayaan Xirsi si yaab leh u tiri, Ra’iisul wasaaraha Yahuuda Benjamin Netanyahu wuxuu mudan yahay in la siiyo billada Nabad doonka aduunka (Nobel Peace Prize) ayadoo weliba sii raacisay in uu shaqo fiican qabtey cadaadis badan oo saarana aanu ka gaabinin in uu dadkiisa dulman ee Israaiiliyiinta uu ka difaaco cadowga kusoo duulaya, sida ay Ayaan Hersi hadalkeeda kusoo geba gebeysay.
Halkan ka Akhri Waraysiga Ayaan Xirsi ay ku Difaacayso Duulaanka Israa’il
Dhanka kale Anjelina Jolie oo ka mid dadka ugu magaca dheer dunida, kuna caan baxdey mihnada jiliinka ayaa iyana dhankeeda cabirtey aragtideeda ku wajahan xasuuqa Yahuudu ka wadaan Falastiin, ayadoo ku tilmaantey mid iyada si gaar qalbi jab ku noqdey sida sida caruurta yar yar iyo haweenka loo gumaadayo iyo gurmad la’aanta dunida.
Angelina Jolie oo ka mid dadka aad u neceb Yahuuda walow aabaheed Yahuudi yahay ayaa iyadoo ilmeyneysa waxa ay la hadashey saxaafada waxa ayna sheegtay in ay wax walboo awoodeeda ah sameyn laheyd si ay u joojiso dhibka iyo xasuuqa lagu hayo maatida reer Falastiin, balse aaney awood laheyn, cid hadalkeeda dhageysaneysana aysan jirin.
Washington SDN/QJ
contact@qurbejoog.com