Haweenay Xabsi ku muteysatay Aflagaadeynta Madaxweyne Erdogan SAWIRRO
Ankara,21Jan,2016(QJ/SDN)-Maxkamada Turkiga ayaa xabsi gaaraya 1 sano ku xukuntay haweenay lagu eedeeyey inay aflagaado u geysatay Madaxweynaha dalkaasi Teyyib Erdogan.
Haweenaydan oo lagu magacaabo Filiz Akinci ayaa ah qof ku takhasustay dhaqaalaha, waxaana la sheegay inay faraha ku taagtay isla markaana aflagaado si toos ah ulla beegsatay Teyyib Erdogan sanadkii 2014, xiligaasi oo uu ahaa Raysalwasaare.
Erdogan ayaa la sheegay in xiligii la aflagaadeenayey uu kasoo baxay xarun ay ku shirayeen xisbigiisa oo ku taal magaalada Izmir, iyadoo la sheegay in haweenaydan ay taagney balakoon u dhaw goobta uu marayey Erdogan.
Maxkamada ayaa xukunka adag ku riday maadaama dalkaasi Turkiga laga dhaqan geliyey sharci qeexaya inaan la aflagaadeyn karin madaxda sare ee dowlada, balse qareenka u doodayey haweenaydan ayaa sheegay in aan Erdogan xilka uu hayey la aflagaadeyn, balse ay aflagaadada ku socotay Madaxa Xisbiga AK party oo ah isla Erdogan, doodaasi oo ay maxkamada diiday.
Tan iyo intii la ansixiyey sharciga mamnuucaya in la caayi karo ama la aflagaadeyn karo madaxda dowlada ayey xeer illaalinta Turkiga bilowday olole ay ku qaadeyso jaraa’idka dalkaasi kasoo baxa iyo mucaaridka si adag u cambaareeya xisbiga talada haya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Erdogan.
Xukuumada Turkiga ayaa sidoo kale tilaabooyin adag ku qaaday shabakadaha internetka qaarkood sida Twitter iyo Youtube oo ay xayiraado iyo ganaax saareen kadib markii barahaasi lagu faafiyey qoraalo iyo aflaam ka dhan ah Madaxweyne Erdogan.
Shabakada Twitter ayaa dhawaan dacwad lafteeda kusoo oogtay Xukuumada Turkiga iyadoo ka cabaneysa ganaax gaaraya 50.000 dollar oo uu Turkiga saaray bartaasi oo ah halka fariimaha la isku dhaafsado, kadib markii maamulka Twitter uu diiday inuu hawada ka saaro qoraalada lagu taageerayo jabhada Kurdida ee PKK oo uu dagaal kala dhaxeeyo dowlada Turkiga.
Midowga Yurub iyo qaar kamid ah hay’adaha xaquuqul insaanka ayaa horey u cambaareeyey caadiska ay xukuumada Turkiga ku heyso mucaaridkeeda, balse baaqyadaasi ayaan ahayn kuwo wax ka bedalay go’aanada xeer illaalinta Turkiga.