Haweenay Wadnaheeda Ku Qabatay Gacanta, Markii Laga Saaray Laguna Beeray Wadne Kale!
New Jersey 26. February 2017 (SDN/QJ):- Wadnuhu waa xubinta ugu muhiimsan Aadmiga, haddii uu shaqayn waayana waxay ka dhigan tahay in qofkaasi uu geeriyooday mana jirto qof isaga oo nool wadnihiisa gacantiisa ku taabta, Laakiin haweenay u dhalatay Dalka Maraykanka, Gobolka New Jersey ayaa ku guuleysatay iyada oo nool inay wadnaheedii laga soo saaray kadib markii uu bukooday inay gacanta ku qabato waxaana lagu beeray wadne kale oo cusub.
Haweenaydan oo la yidhaa Lisa Sarlberg ayaa lagu guuleystay qaliin lagaga badalayey wadnaha, kadib markii uu halis galiyay nolosheeda oo ay xanuun aad u darrani ku dhacay, Haweenaydan oo 48 jir ayaa 36 sanno la liidatay xanuunkaasi oo halleelay iyadoo 12jir ah.
Haweenaydan oo warxbixin siisay wargeyska Mitro ee ka soo baxa Dalka Britain ayaa waxay tidhi “Waxaan aad ulayaabay weynida wadnaha iyo culayska uu leeyahay run ahaantii”.
Sidoo kale dhakhaatiirta ku guuleysatay in wadne kale ay ku beeraan Lisa ayaa sheegay inay xanuunkan ay ku dhalatay oo uu dhibaato aad u darrani ka haysatay mid ka mid ah xiddida waddnaha, haatana ay aad u caafimaad qabto.
Qaliinka noocan oo kale ah ayaa Dunida ku yar in dhakhaatiirta fulinayaa ku guuleystaan uu yahay mid aad u adag .