|

Haweenay U Dhalatay Ruushka Oo Jeclaatay Madaxweynaha Suuriya :

Dimishiq 01. April 2017 (SDN/QJ):- Mariana  waa gabadh u dhalatay Dalka ruushka waxaanay Jaceyl ay u qabto Madaxweynaha Suuriya ee Bashaar Al-asad ay ku muujisay saacadeeda gacanta ugu xidhan oo ay soo dhex gashatay Sawirkiisa, iyada oo marar dhawr ah tagtay Dalkaasi Suuriya si ay ula soo kulanto oo ay indhaheeda ugu soo aragto Bashaar, laakiin nasiib daro waxay mar kasta soo noqonaysay iyada oo aan arag, Mariana wax faahfaahin ah kama bixin sababta keentay inay la kulmi weydo Bashaar iyada oo u badheedhay xilli dagaalo ka socdaan Dalkaasi Suuriya inay tagto.

Wararka qaarkood waxay sheegayaan in Jaceylka ay u qabto Bashaar uu ku kalifay inay ku soo dagto Dalka Lubnaan, intaasi kadibna ay ka soo raacday gaadhi weyn, balse aanay nasiib u helin aragtidiisa oo ay dib ugu soo laabtay Ruushka, sidoo kale mar kasta oo ay tagto halkaasi waxay la kulmaysay madax ka tirsan Xukuumada waxaana ka mid ah Dadkii ay la kulantay Xaaska Bashaar Al-Asad ee Asmaa Al-akhras, ka hor intii aanay ka iman Dalkeedana waxay la sii kulantay Safiirka Suuriya u fadhiya Ruushka, balse waxaas oo dedaal ahi umuu fududayn inay la kulanto Qofkii ay Dalkeeda ugu soo kicitintay aragtidiisa.

Comments are closed