Haweenay Shaqada Looga Joojiyey Inay Amaantay Dalkii Gumaystay Koonfur Afrika
Western Cape 06. June 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga ugu weyn mucaaradka dalka Koonfur Afrika, Democratic Alliance, ayaa shaqada ka joojiyay hoggaamiyihiisii hore, Helen Zille, kaddib markii ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay in gumaystihii Ingiriiska aanu u xumayn sida loo tilmaamo.
Hoggaamiyaha hadda ee xisbigaasi Mmusi Maimane, ayaa sheegay in haweeneydaasi ay sii ahaan doonto madaxa dowladda ee gobolka Western Cape, laakiin shaqada laga hakiyey uun.
Xisbiga Democratic Alliance ayaa tan iyo markii ay murankaasi dhalisay Ms Zille horraantii sanadkan, waxa uu la kulmay cadaadis ah in uu tallaabo ka qaado.
Warbaahinta ayaa sheegaysa in xisbigaasi uu ku dadaalayo sidii uu meesha uga saari lahaa aragtida ah in uu yahay mid u taagan danaha dadka caddaanka ah ee Koonfur Afrika, Dadkaasi oo ay ka soo jeeddo Haweenayda shaqada laga joojiyey.
Dalka Koonfur Afrika waxa gumaystay Boqortooyada Ingiriiska, kaasi oo ku beeray Dad badan oo Caddaan ah, kuwaasi oo hadda ka mid ah Dadweynaha Koonfur Afrika.