Haweenay Shaaha Ka Iibin Jirtey Ciidanka Dawladda Oo Xalay Lagu Toogtay Muqdisho iyo Ganacsatadii Kale oo Cabsiyi Soo Foodsaartay
Muqdisho:25-Feb-2014(SDN)-Ruux Haween ah ayaa Xalay Lagu Dilay Nin La Socdayna Waa Lagu Dhaawacay Xaafadda Suuqa Xoolaha Ee Degmada Hiliwaa Ka dib markii ay Koox Hubaysani Rasaas Oodda Kaga Qaadeen.
Labada Qof ee Goobtaas Lagu Rasaaseeyey ayaa la Sheegayaa inay Xiligaa Ka Soo Rawaxeen Shaqo ay Suuqa ka Hayeen, waxana ay ku sii Socdeen Guryahoodii.
Goobjoogayaal Ku Sugnaa Goobta Dilku ka dhacay, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Haweenayda Dhimatay ay Maqaaxi shaaha lagu Iibiyo ku Lahayd Suuqaas, Halka uu Ninka Dhaawacmayna Tukaan halkaasi ku Haystay.
Dadkii Aqoonta Gaarka ah u Lahaa Haweenayda Geeriyootay, ayaa Warbaahinta u sheegay inay Shaaha Ka Iibin Jirtey Ciidamada Dawladda ee Halkaas ku Sugan.
Dilka Haweenaydan ayaa ku soo Beegmaya Xilli Kooxaha Alshabaab ee Dawladda Dagaalka Kula Jiraa ay Dadka Ciidanka Dawladda Wax Ka Iibiya Digniino u soo Direen.
Haweenaydan ayaa Haatan Noqotay Middii ugu Horraysay ee loo Badhtilmaameedsado Adeega ay ciidanka Dawladda wax kaga Iibiso, waxana Cabsi Badani soo Foodsaartay Dad Badan oo Ganacsiyo Badan ku Leh Suuqaas, kuwaas oo inta Badan ay ciidanka Dawladdu wax ka Iibsadaan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanew.com