Haweenay Maxkamadi Ku Xukuntay Inaanay Qosli Karin iyo Sababta ay ku Mutaysatay
Madrid 03. January, 2016 (SDN/QJ):- Marar qaarkood waxa dhacda in Maxkamad ka gar naqaysay, xaalad taagan ama xukun ku ridaysa eedaysane la hor keenay, garsoorayaasheedu soo saaraan, xukun ka mid noqda dhacdooyinka layaabka leh ee dunida, isla markaana noqda kuwo mahadho reeba.
Marar qaarkood waxa dhacda in Maxkamad ka gar naqaysay, xaalad taagan ama xukun ku ridaysa eedaysane la hor keenay, garsoorayaasheedu soo saaraan, xukun ka mid noqda dhacdooyinka layaabka leh ee dunida, isla markaana noqda kuwo mahadho reeba.
Gabadhan ayaa sababta qosolka looga mamnuucay ay ka dhalatay, ka dib markii Maxkamada ay u cadaatay, inuu hayo xanuun ka mid ah kuwa la iska dhaxlo ee naadirka ku ah dunida, kaas oo marka ay gabadhaasi qososho ku keenaya dhibaato caafimaad.
Sida ay ku warantay jariirada Newspaper ABC Spanish, ee dalka Spain haweenay lagu magacaabo Claire Scott oo da’deeda lagu qiyaasay 24-jir, ahna hooyo xaasley ah, waxa ku dhacay xanuun loo yaqaano “Cataplexies” kaas oo ah xanuun naadir ah oo tobanaankii milyanba qof ku dhaca, wuxuu xanuunkani sababa in qofka qaab dhismeedka jidhkiisu is badalo in Muruqyada jidhku itaal gabaan.
Haweenaydani haddii ay qososho waxa ku dhacaya in deg deg jidhkeedu isu badalo ka dibna hurdo dheer gasho. Haweenaydani iyadoo ka hadlaysa xanuunka Maxkamadu ku riday iyo dhibta uu ku keeni karo, ayay sheegtay inay xasuusato wakhtiyo iyadoo la sheekaysanaysa inanteeda ay qososhay ka dibna ay ku war heshay odaygeeda oo xamaalaya si uu sariirta u geeyo.
Waxa kale oo ay sheegtay in wakhtiyada qaarkood inta ay dhacdo, meelo aan caadi ahayn, halkaasna ku gama’do sida jidadka iyo goobaha fagaarayaasha qaarkood, Xanuunkan ayaa ah mid gabadhaasi ilaa yaraanteedi ka caban jirtay.
Sida warku tilmaamayo, garsooraha xukunkan riday oo la waydiiyay, sida gabadhani u fulin karto xukunkan uu ku riday? Iyo waliba waxa ay ganaax ahaan u mudan karto haddii ay ka baaqsato fulintiisa? Waxa uu ku jawaabay, “Maaha xukun laga doonayo in qofka lagu riday fuliyo, laakiin waa mid loo arkay xal, waxaanu qayb ka yahay, habka dawaynta saykoolajiga ah ee qofka cilmi nafsi ahaan loogu daweeyo, in maskaxdeedu is xasuusiso oo kaliya ayaana looga baahan yahay, markaa iyadaa is xisaabinaysa.” Ayuu yidhi garsooruhu.