|

Haweenay laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho Dec 01,2011(qurbejoog.com)- Haweenaydaani ayaa waxa ay damacsaneyd inay isku qarxiso xero ku taalla fagaaraha Tarbuunka degmada Hodan ee gobolka Banaari, iyadoo u jeedkoodu uu ahaa inay isku qarxiso Muwaadiniinta ka socoto dalka Turkiga ee gar-gaarka ka waday Magaalada Muqdisho. 

Haweenaydaani ayaa waxa a isku dayday inay gudaha u gasho Xero ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiintaasi cadaanka ah, waxaana lagu ogaaday inay bambaanaysantahay qalab lagu baaro waxyaabaha birta ah oo ay isticmaalaan Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya halkaasi oo markii dambe lagu qabtay. 

Ciidamada ayaa la sheegay in Haweenayda ay ka fureen Bambada islamarkaana ay si xun u garaaceen oo ay waydiinayeen halka ay ka timid iyo qofka u kusoo amray in Bambadaani ay lasoo gasho gudaha Xero ay ku sugnaayeen dad barakacyaala ah iyo Mas’uuliyiin cadaan ah oo ka socotay dalka Turkiga. 

“ Haa Hawenay ayay aheyd, waxayna ku hubaysneyd Bambaanooyin cul culus, waxaa noo suuro gashay inaan gacanta ku dhigto oo aan waydiinayno halka laga soo diray, waan garaacnay, waayo waxay damacsaneyd in bambkaasi ay ku qarxiso dadkii ku sugnaa Xeradaasi” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah ilaalada Mas’uuliyiinta cadaanka ah ee wax ka qeybniyay Kaamka lagu qabtay Haweenaydaasi. 

Al Shabaab ayaa la sheegay in wajiyo badan ay u isticmaalayaan baabi’inta Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo dadka rayidka ah ee ka ogdhow, iyadoo arintaasi ay walaac xoogan ka muujiyeen dad shacabka ah ee mar waliba qasaaraha kasoo gaara dhibaatooyinka ka dhaca Magaalada Muqdisho.

 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed