|

Haweenay Lacag dhan Sagaal Kun oo Doollar Liqday, Sababta ku Kelliftay iyo Xaaladdeeda Caafimaad

Colombia 10. May 2017 (SDN/QJ):- Haweeney deggan degaanka Piedecuesta oo ku yaalla Waqooyiga Bari ee dalka Colombia, ayaa cuntay Lacag ay keydsanaysay si aanu u qaadan Ninkeeday oo ay ka Hinaastay, ka dib markii ay ogaatay inuu khiyaamay.

Sandra Milena Almeida ayaa liqday 9,000 oo doolar oo caddaan ah ka dib markii ay ka war heshay in uusan kaligeed ku ekayn oo khayaanayay.

Tallabada Haweeneydan 30 sano jirka ahi qaadday, ayaa la ogaaday ka dib markii Cusbitaal loo qaaday, iyadoo Caloosha laga hayo ama Caloosha xanuun ka dareemaysa; sida ay Baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du.

 

Dhakhaatiirta Cusbitaalka la geeyey, ayaa baadhitaan ay ku sameeyeen ka dib Caloosheeda ka dhex helay Waraaqo badan. Almeida, ayaa Lacagta qarisay ka dib markey ogaatay in Ninkeedu uu gogol dhaaf-sameeyey, balse markii uu Ninku ogaaday in ay Lacagta ka qarisay ayuu ka dalbaday in ay siiso kala badh, waasay ka diidday.

 

Agaasimaha qaybta Qalliinka ee Cusbitaalka Jaamcadda Santander Juan Paulo Serrano, ayaa sheegay in Lacag isku xidhan laga soo saaray Mindhicirrada Haweeneydan, waxaanu Agaasime Seranno ka hadlay xaaladda Haweenaydan iyo Caafimaadkeeda Mustaqbalka sida uu noqon karo.

 

“Waxay u muuqataa inuu ahaa ficil niyad-jab ah oo ay ku kacday Haweeneydani, sababo la xidhiidha dhibaato ay wajaheysay, oo ku kalliftay inay cunto Lacagta, tanina waxay dabcan saameyn ku yeelaneysaa Shaqada caadiga ah ee Mindhicirada Gabadhan iyo nolosheeda.” Sidaa ayuu yidhi Agaasime Santander Juan Paulo Serrano.

 

Almeida oo ka soo jeedda deegaanka Piedecuesta oo ku yaalla Waqooyi-Bari ee dalka Colombia, ayaa la filayaa inay si buuxda u soo kabato, Agaasime Serrano oo ka sii hadlayaana, waxa uu yidhi; “Lacagta Doollarka ah waa la dhaqay, waanay fiican tahay. Laakiin, Lacagta inteeda kale lama isticmaali karo, sababta oo ah dheecaanka Gaastriiga ee Caloosha ayaa waxyeelleeyey.”

 

Markii lagu guuleystay in Lacagta oo sideeda ah la soo saaro, Sandra Milena Almeida waxay sheegtay inay hadda Lacagtaas u dhiganeyso inay ugu baxdo Safar Dalxiis tamashleyn ah, si ay ugu illawdo inta badan xanuunka dhibta ku dhacday ama ku kelliftay tallaabada ay qaadday.

Comments are closed