Haweenay Laba Nin Si Qarsoodi Ah U Wada Guursatay Hal Mar Oo Maxkamad La Hor Keenay!!
Hargaysa 18.October 2016 (SDN/QJ):- Haweenay u dhalatay wadanka Falastiin ayaa la sheegay in dacwad lagu soo oogay kadib markii uu fashilmay qorshe hoose oo ay haweenaydani ku wada guursatay laba nin iyada oo qarisay in la qabo markii ay guurka labaad u hollatay iyada oo ka faa’iidaysanaysa ninkeedii hore oo ciidamada wadanka Israel xabsiga u taxaabeen oo ka mid ahaa ku dhawaad kontomeeye qof oo ciidamada wadanka Israel siddeed bilood ka hor ku qafaasheen deegaan u dhaw magaalada Rafax ee dhulka reer Falastiin.
Garaqaan Ibraahiim Barquuthi oo ka tirsan xafiiska xeer Ilaalinta oo ka mid ahaa saraakiisha kiiska haweenaydan gacanta ku haya ayaa wakaaladda wararka Falastiin u sheegay in Marwo Wafa Bintu Caamir oo 26-jir ah la xaqiiijiyay in ay nin labaad guursatay iyada oo qarisay in nin hore qabay sidaana dhawaan lagu ogaaday taasi oo keentay in maxkamad loo gudbiyo kiiska haweenaydan oo muran badan oo sharci oo dhinaca guurka ah dhaliyay, qoysas badanina faraha isku saareen kadib markii ay fashilantay in ay nin hore lahayd oo ay nin labaad guursatay.
Wakaaladda wararka Falastiin ee arrinka haweenaydan wax ka qortay waxa ay sheegaysaa in Wafaa ay u mehersanayd nin imika muddo siddeed bilood ah ku xidhan xabsiyada Yuhuudda kadibna ay jeclaatay nin kale oo u soo bandhigay in uu guursan doono isaga oo moodayay in ay haweenaydani tahay gabadh gashaanti ah sidaana ay muddo kadib isku guursadeen.
Maxamed Almujid oo ka soo jeeda deegaanka Ghaza ayaa Wafaa waxa uu u jeclaaday si weyn waxaanay ku heshiiyeen in ay is guursadaan iyaga oo ku aqal galay Ghaza. Maxkamaddii labadan qof isku meherisay ma ay ogayn in haweenaydan la qabo waxaanay u gudbisay dhukumantigeeda oo aanay haba yaraatee wax muujinaya in la qabaa ku oolin iyada oo u sheegatay in ay tahay haweenay gashaanti ah oo aan la qabin.
Muddo laba bilood ahi markii ay ka soo wareegtay guurka gabadhan ayaa waxa ogaaday qoyska uu ka dhashay ninkeedii hore ee xidhnaa, kuwaasi oo fashiliyay haweenaydan oo dacwad ka geeyay maxkamadda. Markii haddaba maxkamadda sharcigu u yeedhay haweenaydan waxa dhacday in ay si dhib yar u qiratay in la qabay oo aanay sifo sharci ah ku kala tagin ninkeedii hore ee kaliya uu yahay maxbuus ku jira jeelasha wadanka Israel oo aanay muddo wax xidhiidh ah ka helin tan iyo maalintii la qabtay sidaa darteed ay go’aan ku gaadhay in ay iska guursato nin kale oo ay qariso guurkeeda koowaad. Maxkamadda ayaa la filayaa in ay todobaadka dambe xukun ka soo saarto tallaabada ku habboon ee haweenaydan laga qaadayo.
Haweenaydan ninka labaad calmatay iyada oo la qabo ayaan ninka hore wax ubad ah u lahayn iyo wax uur ah toona.