|

Haweenay Isku Qarxisay Saldhig Ku Yaalla Badhtamaha Magaalada Istanbul ee Dalka Turiga

Stanbul:Jan,07,2015(SDN/QJ)-Haweenay is qarxisay, ayaa weerartay Salhig Boolis oo ku yaalla Magaalada Stanbul ee Dalka Turkiga, waxana ka dhashay khasaare kala duwan.

wesrGuddoomiyaha Istanbul ayaa sheegay in werarkan ay ka dambaysay haweeney isku soo xidhatey waxyaalaha qarxa iyadoo weerarkaasina uu ku dhintey hal askari mid kalana uu ku dhaawacmay.

Vasip Sahin guddoomiyaha Istanbul ayaa u sheegay taleefishinka Turkiga in haweeneyda qaraxa ka dambaysay ay ku hadlaysay luqada Englishka, iyadoo weerarkana uu ka dhacay degaanka loo yaqaan Sultanahmet oo caan ku ah dalxiiska shalay galabnimadii.

Lama yaqaan dhalashada gabadha is miidaamisay halka ay ka soo jeedo illaa iyo haddana ma jirto cid sheegatay qaraxan.

Weerarkan ayaa ah kii labaad ee ka dhaca dalka Turkiga iyadoo Khamiistii aynu ka soo gudubnay booliska magaalada Istanbul ay xidheen nin ku tuuray bam rasaasna ku ridey meel ku dhow xafiiska Ra’iisal wasaaraha Turkiga balse ma jirin cid ku dhaawacantay weerarkaas.

Booliska ayaa xidhey halka uu ka dhacay weerarka ismiidaaminta ah, waxana ku yaal goobtaas masjidka Buluuga ah iyo matxafka Hagia Sophia.

Mr Sahin ayaa sheegay in haweeneyda is qarxisay ay gashay saldhigga iyadoo u sheegtay ciidamada in ay uga soo dhex tagtay boorso kahor inta aanay is qarxin.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed