Haweenay Ingiriisa ah Oo Booliska Ka Ku Wargelisay in Wiilkeeda Oo Shabaabka Ka Tirsani Diyaar u Yahay Is Qarxin
London:June,03,2014(SDN/QJ)-Hooyo ka soo jeedda Dalka Ingiriiska ayaa ciidamada Booliska ee Dalkeeda ka codsatay in laga Hortago wiilkeeda oo ka mid ah dibad joogga Alshabaab oo doonaya inuu qarxin ka fuliyo meelo ka baxsan Dalka England.
Hooyadan oo magaceeda lagu sheegay Sally Evans oo 56 sanno jir ah ayaa sheegtay inay ka war hayso in wiilkeeda oo ay magaciisa ku sheegtay Thomas Evans hase ahaatee Shabab u yaqaan Cabdul Xakiim uu doonayo inuu fuliyo fal is qarxin ah oo uu laayo dad aan waxba galabsan.
Wargeyska The Daily Mail oo Ingiriiska kasoo baxa oo soo xiganaya Sally Evans waxaa uu sheegayaa in Cabdul Hakiim oo diinta Islamka qaatay sida la aaminsan yahay sanadkii 2009 uu hadda ka mid yahay xeyn ajaanib ah oo Shabab ka bar bar dagaalama.
Haweeneydan waxaa ay sheegtay inay ka warqabto in hadda wiilkeeda isku diyaarinayo sidii uu isku qarxin lahaa waxaana ay booliska Ingiriiska weydiisatay in laga hor tago.
“Intii aan arki ama maqli lahaa wiilkayga oo dad badan oo maato ah laayay asna is dilay waxaan ka jeclaan lahaa inaan ku arko xabsi Ingiriiska ah” ayay tidhi haweeneydan sheegatay in wiilkeedu Shabab ka mid yahay.
Cod ay ka duubtay wiilkeeda mar ay taleefoon kula hadashay asagoo Soomaaliya jooga ayaa waxaa uu uu yidhi mar uu su’aal uga jawaabayay “Haa haddii aad I weydiisay inaan is qarxinayo waan is qarxin Haddii Alle Idmo” sida uu qoray wargeyska kale ee Sunday Times la yidhaahdo.
Cabdul Xakiim oo hore loo odhan jiray Thomas Evans waxaa uu Islaamay asagoo 19 sanno jir ah 2009,kii waxaana bishii February sanadkii 2011 lagu xidhay garoonka diyaaradaha Heathrow ee London xilli uu ku socday dalka Kenya kadib markii fal argagixisinimo looga shakiyay.
Warbaahinta Britain ayaa ku waramaysa iyadoo soo xiganaysa ilo dhanka sirdoonka ah in Cabdul Xakiim uu isla sanadkaas kasoo tagay Ingiriiska asagoo sheegay inuu aadayo dalka Masar si uu u barto luuqada Carabiga kadibna uu dhanka Soomaaliya usoo gudbay.
Ninkaan u dhashay dalka Ingiriiska waxaa uu dhawr jeer hooyadiis uu taleefoonka ugu sheegay inuu diyaar u yahay inuu u geeriyoodo waxa uu aaminsan yahay waxaana mar uu ku dhaawacmay dagaal Soomaaliya ka dhacay sanadkii 2012.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com