Haweenay Caloosheeda Laga Soo Saaray Buro 17 Kiiloo-Giraam ah!!
Dubai 09. July 2017 (SDN/QJ):- Koox Dhakhaatiir ah oo ka hawlgasha Cusbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta, ayaa xaqiijiyey in ay qalliin ka mid ah Qaliimmada aadka u yar yahay noocoodu ay ku fuliyeen Haweenay u dhalatay dalkaas.
Haweenaydan oo da’deedu tahay 35 jir, waxay ka cabanaysay xanuun aad u darnaa oo caloosha ka hayay.
Haweenaydan oo ah Macallimad, ayaa qalliin aad u heer-sarreeya ay ku sameeyeen Dhakhaatiir ka hawlgala Cusbitaalka Ladiifa ee magaalada Dubai.
Sidaa waxa lagu lagu soo bandhigay Wargeyska The National ee ka soo baxa Imaaraadka, waxay sheegeen in qallinkaasi uu ka qaatay muddo saddex saacadood ah, isla markaana ay Gabadhaas Macallimadda ahayd ka soo saareen Caloosheeda Buro ku dhex-taallay oo miisaankeedu ahaa in ka badan 17KG, qalliinkaasina noqday mid ay si fiican ugu guulaysteen.