|

Haween Soomaali ah oo laba ka mida Mareykanka ku nool yihiin oo lagu eedeeyay in ay Shabaabka lacago u direen

Washington July 24,2014(SDN/QJ)-Shan ruux oo Soomaali ah oo laba ka mida Mareykanku ku nool yihiin ayaa lagu eedeeyay in ay lacago u direen kooxda Al Shabaab.

Shantan ruux oo Haween ah ayaa labada Mareykanka ku nool  oo la kala yirahdo Muna Xasan Jaamac oo 34 jir ah iyo Hinda Cusmaan Dhiirane oo 44 jir ahi ay gacanta ku dhigeen Police-ka shalay.

Dumarkan ayaa lagu soo eedeeyay in 20 denbi oo la xiriira in ay taaageero u fidiyeen koox argagixiso ah.

Sadexda Haween ee kale oo ku kala nool Holland,Kenya iyo Soomaaliya ayaa iyagana isla eedahan loo soo jeediyay.

Haweenkan ayaa lagu eedeeyay in ay mudaba lacago u dirayeen kooxda Al Shabaab iyaga oo ka dhigayay in ay lacagta u dirayeen agoon.

Maxkamada Mareykanka ee dhegeysatay eedaha labada haween ee dalkaa ku nool Ayaan la ogeyn in ay qareeno difacayeen.

Ma aha markii u horeysay ee haween Soomaaliyeed oo ku nool Mareykanka  lagu eedeeyay in ay taageero dhaqaale u fidiyeen kooxada Al Shabaab.

SDN/QJ-Washington

contact@qurbejoog.com

Comments are closed