|

Haween Somalia ah Oo Loo Guuriyey Saraakiil Ka Tirsan Ururka Daacish(isis)

Mosil:July,25,2014(SDN/QJ)-Laba ka mid ah Gabdhaha soomaliyeed oo dhawaan ku biiray Ururka ka dagaallama Dalalka ciraaq iyo siriya ee Daacish, ayaa  ay warbaahinta dalka ingiriisku baahiyeen inay Guursadeen Saraakiil sarsare oo ururkaas ka tirsani.

daciWargeyska Daily Mail ee Ingiriiska kasoo baxa ayaa qoray in labada gabdhood oo lakala yidhaahdo Salma iyo Sahra Xalane oo mataano ah inay hadda guursadeen xubno ka tirsan hogaamiyaaha Al-Qacida ee dagaalka kula jira dawladaha Syria iyo Ciraaq.

Wargeyska waxaa uu sheegay in baraha bulshadu ku kulanto lagu qoray Salma oo leh “Waa Alle mahadiis waayo waxaan xaas u noqday mid ka mid ah mujaahidiinta Ardu Shaam”.

Salma waxaa la sheegay inuu guursaday dagaalame Al-Qacida ka tirsan oo u dhashay dalka Afghanistan hase ahaatee haysta dhalashada dalka Ingiriiska.

Gabdhahan ayaa sidoo kale la daawaday iyagoo baranaya sida hubka loo adeegsado gaar ahaan sida wax loo toogto, ama qoryaha loo isticmaalo iyo sida bambaanooyinka loo gano.

Waalidiinta gabdhahan oo ay warbaahinta Britain la xidhiidhay ayaa sheegay inay uga war dambeysay maalmihii ay ka tageen ee ay Syria galeen.

Sadex todobaad ka hor ayay aheyd markii si rasmi ah loogu dhawaaqay in labadan gabdhood ee Soomaalida ah ay xilli habeen ka dhuunteen gurigooda oo ku yaala magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska waxaana ay u safreen dalka Suriya si ay Al-Qacida ugu biiraan waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay ku dageen walaalkood oo uga sii horeeyay dalka Syria.

Soomaali aan tiro yareyn oo rag iyo dumar iskugu jira oo meelo kala duwan ka kala tagay ayaa la aaminsan yahay inay Syria iyo Ciraaq joogaan ayagoo Al-Qacida ka bar bar dagaalamaya.

Dumarka Al-Qacida ku biira hawsha ugu badan ee ay qabtaan waa in loo guuriyo ragga hubeysan ee dagaalka ku jira ayagoo aysan waalidkood ogeyn.

Xigasho: Daily Mail

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Somalidiasporanews.com

 

Comments are closed