|

Hawada Ex-Somalia waa dhaxal la wada leeyahay, Somaliya iyo Somaliland waa inay si cadaalad ah u qaybsadaan Maamulkeed​a iyo Masuuliyad​eedaba

Ramadaan Kariim.

Muddooyinkii ugu dambeeyey, waxa warbaahinta ku soo noq-noqonayey warar ku saabsan maamulka hawada sare ee dalkii Somalia la isku odhan jirey, oo dawlada Somaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho ay dedaal weyn ugu jirto sidii ay ugala soo wareegti lahayd CACAS, ICAO iyo United Nationka, oo maamulayey tan iyo 1991kii. Dhinaca kalena, waxa arintaa barbar socday dedaalo ay xukuumada Somaliland oo ay matalayso Wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirku, ku doonayso inay ku hanato Maamulka Hawada sare ee Somaliland. Mararka qaar arinku wuxuu gaadhay in labada dhinac hanjabaado hawada isu mariyaan iyo is muquunin sharciyadeed oo aan la isku joojinahayn. Hadaba qormadan kooban waxaan ku eegayaa arinkaa muranku ka taagan yahay ee hawada sare ee dalkii Somalia.

 

Sida aan ka soo xigtey warbixin lagu daabacay Wargeyska “The NewYork times” 14, April, 2011ka, maalin kasta hawada Ex-Somalia waxa mara ugu yaraan 90 diyaaradood oo badankoodu ah kuwa waaweyn ee loogu talogalay safarada dhaadheer “Long-haul flights”. Shirkadaha diyaaradaha ee sida joogtada ah u isticmaala hawada sare ee Ex-Somalia waxa ka mid ah Air France flight number AF3518/9 oo safarkeeda ka soo bilowda Paris iyada oo ku sii jeeda Jasiirada Fransiisku ku leeyahay badweynta Hindiya ee la yidhaahdo Réunion. Waxa iyana fursad ka heshay hawada ex- Somalia shirkada dalka Israel laga leeyahay ee El Al, oo aanay suurtogal u ahayn inay dulmarto dalalka carabta ah ee bariga dhexe ku yaala marka ay u duulayso bariga fog sida Bangkok, oo ay dalxiis u tagaan Yuhuud badani. Emirates Airlines oo ka duusha Dubai ayaa iyana ka mid ah diyaaradaha sida joogtada ah u isticmaala hawada ex-somalia. Dabcan intaa waxa dheer, diyaaradaha aynu ognahay ee ku dega garoomada Somaliland iyo Somaliyaba sida Daallo Airlines, Jubba Airways, African Airways, Ethiopian Airlines, Turkish Airlines, iyo UN flights. Diyaarad kasta oo ka mid ah diyaaradahan aan soo sheegay, hay`ada CACAS ee gacanta ku haysa hawada sare ee ex-Somalia waxay ka qaadaa lacag dhan ugu yaraan $275 Dollar. Taa macnaheedu waxa weeye in 24kii saacadoodba inay soo xerooto lacag dhan $24,750, oo bishii noqonaysa $742,500, halka ay sanadkiina tahay $8,910,000. Intaasi waa inta ugu yar waxase suurtogal ah in dhaqaalaha ka soo baxaa intaa ka badan yahay.

Hadaba, waxa wax laga xumaado ah in hantidaa Soomaaliyeed ee ka soo xerootay isticmaalka hawada Soomaaliyeed inay si xun oo bilaa xisaabtan ah ugu takrifaleen masuuliyiinta hayada CACAS. Waxa ka taajiray shakhsiyaad badan oo ajaanib ah oo mushahar buuran iyo gunooyin shilshilis muddo dheer qaadan jirey. Sidaa daraadeed, Somaliland iyo Somaliya waxay isku mowqif ka ahaayeen la soo wareegida hawadii Somalia, dawlada Somalilandna waxay muddo dheer kala shaqeynaysey Somaliya arintaas, iyada oo la qabtay kulamo iyo shirar badan oo ka kala dhacay Nairobi, Istanbul iyo Montreal.

Waxase muuqata in dawlada Somaliya oo ka faaiideysanaysa aqoonsiga caalamiga ah ee ay haysataa, inay mar kasta iskudayeyso inay keligeed hawshaa hawada somaliya kala xaajooto cida ay khusayso, iyada oo aan tixgelin siin heshiisyadii gaarka ahaa ee dhex maray Somaliland, kuwaas oo nuxurkoodu ahaa in marka hore si wada jir ah loo soo dhiciyo hawadii Somaliya, ka dibna si gaar ah looga heshiiyo habka loo maamulayo. Tusaale ahaan, Wasiirkii hore ee Warfaafinta, Isgaadhsiinta, Boostada iyo Gaadiidka dowladda Federaalka Soomaaliya Md. C/laahi Ciilmooge Xirsi, waxa uu sanadkii hore heshiis uu kula soo wareegayo hawadii Somaliya la saxeexday ICAO, isaga oo ku dhawaaqay in marka la gaadho bisha 1aad 2014ka ay Somaliya si buuxda ula wareegi doonto maamulka hawada sare, lagana maamuli doono magaalada Muqdisho. Hase yeeshee arintaasi haba yaraatee wax ka fulay ma jiro, waxa keliya ee ay abuurtayna wuxuu noqday muran, buuq iyo kalsooni darro ka dhex abuurantay Somaliland iyo Somalia, taas oo sababtay inay Somaliland muddo kooban joojisay diyaaradihii UNka ee iman jirey Somaliland.

Ilaa hadda waxa muuqata inaan Somaliya waxba ka baran casharadii hore, mar kalena badhtamihii bishii June ee ina dhaaftay, wasiirka cusub ee gaadiidka Somaliya Md Saciid Jaamac Cali waxa uu booqasho ku tagay xarunta hay`ada ICAO ee Montreal, Canada isaga oo u socday la soo wareegida maamulka hawada Somaliya. Wasiirku waxa uu sheegay inay rajo fiican ka qabaan sidii lagu soo afjari lahaa arrinta maamulka hawada Soomaaliya inkasta oo aanuu wax wakhti ah cayimin. Sidii la filayey, horena u dhacday, waxay booqashadaa dhuumashada ah iyo sheegashadaa wasiirka gaadiidka Somaliya ay ka cadheysiisey Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi, isaga oo u arkay in Somaliya ka baxday heshiiskii Turkiga ku dhex maray labada dhinac ee dhigayey in hawada si wadajir ah loola soo wareego xarunta laga maamulayaana noqoto magaalada Hargeisa. Wasiirku waxa uu safar degdeg ah ugu baxay Nairobi isaga oo masuuliyiinta ICAO ee ku sugan Nairobi gaadhsiiyey mawqifka Somaliland kaas oo ah in Somaliland hesho Flight Information Region (FIR) u gaar ah si ay u maamulato hawadeeda.

Xaaladan muran ee ka dhex aloosan Somaliland iyo Somalia waxay u eeg tahay xaaladii ka jirtey dalka Ciraaq horaantii sagaashanaadkii. Dhinaca Waqooyiga ama dhulka loo yaqaano Kurdistan waxa ka dhisan Maamul ka madax banaan dawlada dhexe ee Ciraaq ee xarunteedu tahay Baghdad balse aan haysan ictiraaf dawli ah. Waxa duulimaadyo caalami ah ku taga magaalooyin badan oo ku yaala Kurdistan sida Suleimaniyah iyo Erbil, diyaarado badan oo ay ka mid tahay shirkada Austrian Airlines kuwaas oo ogolaanshaha degitaanka (Landing Permission) ka qaatay xukuumada Kurdishka, arintaas oo dawlada dhexe ee Ciraaq ka cadhootay balse awood ay ku joojiso aanay lahayn. Aakhirkii arinkaa waxa lagu xaliyey xeer hoosaad iyo isfaham kaas oo dawlada dhexe ee Ciraaq ay ansixisay heshiisyadaa ay kurdishku la galeen diyaaradaha shisheeye si loo waafajiyo shuruucda caalamiga ah.

Marka laga tago dhacdooyinkaa iyo muranadaa aan ka soo sheekeeyey, bal aan si cilmiyeysan ugu kitaab-furo murankan maamulka hawada sare ee u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya. Arinkani waxa uu leeyahay laba weji; mid caalami ah oo sharci iyo mid lama dhaafaan ah. Haddii aan halkaa sii jilciyo, la iskuma hayo inay Somaliya sharciyan tahay cida keliya ee wax laga weydiiinayo hawadii Somaliya, isla markaana heshiisyo laba geesood ah “Bilateral Agreements” oo khuseeya avaitionka sida kuwa loo yaqaano “Air Services Agreement” la saxeexan karto dhamaanba dalalka aduunweynaha. Taa muran kama taagna, hase yeeshee marka la eegayo waaqica iyo xaalada dhabta ah ee jirta “The facts on the ground” Somaliya gacan kuma hayso Somaliland, taa macnaheeduna waa in, heshiis kasta oo Somaliya gasho kaas oo diyaarad shisheeye ogolaansho loogu siinayo inay ka degto garoomada Somaliland inuu yahay mid aan fuli karin ilaa ogolaansho laga helo xukuumada Somaliland, cida ogolaanshaha noocaas ah bixin kartaana waa Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland.

Marka ay timaado fulinta iyo meelmarinta heshiisyada hawo-marista ama waxa loo yaqaano “Freedoms of the Air” oo ah 7+2 nooc oo kala duwan, Somaliya waxay awood u leedahay oo keliya inay bixiso isla markaana meel mariso ta koowaad ee loo yaqaano “First freedom of the Air” oo macnaheedu yahay inay Somaliya ogolaansho siin karto diyaaradaha maraya hawadii Ex-Somaliya oo Somalilandna ku jirto, waana halka lacagta badani ka soo baxdo ee muranku ka taagan yahay. Tusaale ahaan waa Kenya Airwys oo u socota Cairo siina dulmaraysa hawada Somaliya. (Sawirka hoose eeg).

 

Dhinaca kale, Somaliland waxay bixin kartaa isla markaana fulin kartaa dhamaanba inta soo hadhay heshiisyadaa oo uu ka mid yahay “Second freedom of the Air” kaas oo ogolaansho degitaan ay Somaliland ku siin karto diyaarad kasta oo xaalad degdeg ahi la kulanto iyada oo maraysa hawada Somaliland sida cillad ku timid (Technical), afduub lagula kacay (Hijacking), Xaalad caafimaad oo la soo gudboonatay Crew-ga ama rakaabka (Medical), garoonkii ay u socdeen oo xidhan (Airport closure), wareejin la soo wareejiyey xaalada Cimilada iyo Hawada oo khatar ah awgeed (diversion due to severe weather), amaba shidaal qaadasho (Re-fueling). Tusaale ahaan, waa Oman Air oo ka soo duushay Muscat una socota Johansberg oo ciladi ku timid una baahatay inay ku degto garoonka Berbera.. (Sawirka hoose eeg).

 

Xoriyada 3aad, tusaale ahaan waa Daallo Airlines oo rakaab iyo alaab ka soo qaaday dalka ay ka diiwaan gashan tahay ee Djibouti oo keenaysa Somaliland.

 

Xoriyada 4aad tusaale ahaan waa isla Daallo Airlines oo rakaab iyo alaab ka qaadaysa Somaliland geyneysa Djibouti.

 

Xoriyada 5aad, tusaale ahaan waa Jubba Airways oo ka soo duushay dalka ay ka diiwaangashan tahay ee Somalia oo rakaab iyo alaab keenaysa Somaliland, isla markaana rakaab iyo alaab u sii qaadaysa dal saddexaad sida Emirate-ka(Dubai) oo kale.

 

Xoriyada 6aad waa tusaale ahaan isla jubba Airways oo rakaab iyo alaab ka qaaday Somaliland una sii jeeda Kenya balse ku sii hakanaysa Somaliya iyo dalkii laga lahaa.

 

 

Hadaba, sida aad ka arkayso sawiradan kor ka muuqda, dhamaanba heshiisyada iyo ogolaanshahaas oo dhan Somaliland ayaa awood u leh inay bixiso, marka laga reebo ta koowaad ee dulmarista.

Murankan u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya cida keliya ee ka faa`iideysanaysa isla markaana uu wakhti dheeraad ah oo ay ku sii maamulaan hawada ex-somaliya siinayaa waa shisheeyaha iyo gafanayaasha ku naaxay lacagta hawada soomaaliyeed, sidaa daraadeed, heshiis iyo isfaham Soomaalinimo oo dhex mara Somaliland iyo Somaliya waa lagama maarmaan, si looga hortago khalkhal ku yimaada adeega duulimaadyada rayidka ee Somaliland iyo Somaliya, iyo dhibaato soo gaadha dhoofayaasha soomaalida ahba. kuwaas oo

Su`aashuse waxay tahay maxay labada dhinac ku heshiin karaan? Farsamo ahaanse sidee loo wad maamuli karaa ama loo qaybsan karaa dhaxalka hawada sare ee ex-Somalia?

La soco qormada dambe

Cabdikariim Cali Baarjeex

MSc Aviation Management

Bristol, United Kingdom

baarjeex@hotmail.com

 

Comments are closed