|

Harraadd Daran Oo Ka Taagan Deeegaano Ka Tirsa Gobolka Gedo Iyo Qiimaha Biyaha Oo Cirka isku Shareeray

Faaxfaaxdhuun:21-Feb-2014(SDN)-Harraad Dara ayaa ka Taagan Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Dalka Somalia, waxaa Cirka Isku Shareeray Qiimaha la Siisanayo Foostada Biyaha ah.

caruur Foostadii Biyaha ayaa Deegaanka FaaxFaaxdhuun ee gobalka Gedo ka gaadhay qiimo dhan saddex boqol oo kun oo Shillinka Soomaaliga ah waana qiimihii ugu badnaa oo biyaha deegaankaasi ay ka gaadhaan taariikhda inta la Xasuusto.

 

Gudddoomiyaha Deegaanka FaaxFaaxdhuun Aadan Shuqul Nuunow ayaa ka  dalbaday Hay’adaha samafalka in gurmad xaga biyaha la gaarsiiyo deegaanka.

 

Qoysaskii  ugu badanaa  oo xoola dhaqata ah ayaa ka barakac Deegaankaasi, kuwaas oo ka cararaya biyo la’aanta sida uu sheegayo Gudoomiyaha Faax Faax-dhuun.

Biyo La’aantan ka taagan Deegaanaddan, ayaa waxa keenay Roob La’aan muddo badan ka Taagnayd, walina lama Hayo wax Kaalmo ah oo La Soo Gaadhsiiyey.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed