Harraad iyo Gaajo Ka Taagan Gobolada Galbeedka Somaliland Oo Keentay Dhimashada Dad Xoolo dhaqato ahaa
Hargeysa:Au,04,2015(SDN/QJ)-Ugu yaraan lix qof ayaa harraad iyo gaajo ugu dhintay Deegaannno katirsan Gobollada Awdal iyo Salal, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Salal Cabdiraas waaberi rooble.
Dhimashada dadkan ayaa waxa sababay harraad iyo gaajo daran oo lasoo gudboonaatay, iyadoo sidoo kale xooluhuna ay si joogto ah u dhimanayaan.
Guddoomiyaha Salal Mudane Waaberi waxa uu sheegay inay dadkaasi geeriyoodeen iyagoo xoolahooga daba socda,
“Dadkaasi waxa ay ku dhinteen Meelo kala duwan oo Gobolka Salal kamid ah, waxana ay geeriyoodeen iyagoo xoolahooda daba socda, iyagoo harraad u dhintay, waxana ay ku dhinteen dhir hoostood, iyadoo isku dayey inay hadhsadaan, tallaabooyin badan oo guddida madaxweynuhu kamid yihiinna waanu qaadnay.” Ayuu yidhi Mudane Rooble oo oo BBC-da u warramayey.
Gobollo badan oo somaliland kamid ah ayaa harraadkani ka jiraa, waxana la filayaa inay dhawaaan Bilaabmaan Gurmad ay dadka abaaruhu aafeeyeen u fidin doonaan Guddiyo uu madaxweynuhu dhawaan magacaabay.
SDN/QJ