Hargeysi ma waxay noqotay goosarad xabaal taala.—madax dhaqameedkeeda ayaana halkaa dhigay
Waa hubaal in dalka iyo dadka jamhuuriyada somalilandba yihiin dad is leh isla markaana uu ka dhaxeeyo dal, dad, iyo dawladnimo ay tahay in la wada ilaashado dhana looga soo wada jeesto wixii wax u dhimaya. waxaa kale oo hubaal ah in bulshada somaliland aanay wali qaangaadh u noqon dimuqraadiyada casriga ah, isla markaana ay u baahan yihiin sidii loo kobcinlahaa dimuqraadiyada la rabo in la gaadho,
si hadaba looga midho dhaliyo hamiga la higsanaayo wakhtiga fog ee ah in lagaadho dimuqraadiyad rasmi ah oo qofka muwaadinka ahi uu iska sharaxi karo halka uu deganyahay iyadoo aan loo eegayn qabiilka uu ka soo jeedo, waxaa haboon in marka hore dimuqaadiyada la kobcinayo lagu saleeyo xaqiiqada dhabta ah ee madhaafaanka ah ee jirta, taas oo ah in bulshada somaliland ay u kala degaan degaano ku salaysan qabaail, islamarkaana ay qurux badantahay in dimuqraadiyada marka hore lagu socod baro in musharaxu uu iska soo sharaxo halka qabiil ahaan uu ka soo jeedo (arintni waxay ka mid tahay uun kobcinta iyo socod baradka dimuqraadiyada ee si kale ugama jeedo).
Arinta ah in ururada qaarkood ka soo sharaxayaan xubno aan asal ahaan degnayn degaaka ay iska soo sharaxayaan, taasi waxay u muuqanaysaa qardajeex iyo iska horkeen bulshada ah. waana arin caqliga saliimaka ahi diidayo. tasaale hadaynu u soo qaadano suuto gal matahay in mushax asal ahaan ka soo jeeda xaafada Goljanno ee degmada deegaanka hargiesa uu iska sharaxo galbeedka burco ama bariga burco???? ama musharaxa u dhashay oodwayne uu iska sharaxo salaxley, ama musharax ka soojeeda gabilay uu iska sharaxo laascaanood !!!!! waa arin caqlima fayoobi aanu qaadan karayn wakhdigan xaadirka ah. Arinta ay ururada qaarkood wadaana caqliyadaas ayay la mid noqonaysaa. suutagalna ma noqonayso in deegaanada kale ee dalkana la kala lahaado hargiesana ay noqoto GOOSARAD XAABL TAALA OO AAN CIDI LAHAYN.
hadaba hadaynu isdultaagno waxyaabaha suurto galiyay in hargiesa cid waliba iku daydo in ay iska sharxaan oo ay u muuqato meel aan cidba lahayd, siday aniga ila tahay waxaa weeye dadka deegaanka hargiesa oo iyaga la isku jeediyay, oo loo qaybqaybiyay daamo isla markaana siyaasad ahaan la dhexdhigay xurgufo siyaasadeed oo dad dano gaar ah lihi intabadan ay ka faaidaysataan. arituna waxay inta badan ka jiiftaa xaga madaxdhaqameedyada deegaanka hargiesa oo iyaguuni isku muuqda oo aan deegaanka iyo dadka iyo wadadhlashada ka dhaxaysaaba aanay u muuqan. waxaanan talo ugu soo jeedin lahaa madaxdhaqameedka deegaanka hargiesa in ay aayaha deegaankooda iska arkaan kana wada tashadaan.
arinta xubnaha golaha deegaanka hargiesa maanta ku dhawaaqeena waa arin ay ka gaabiyeen madaxdhaqameedka magaalada hargiesa . Hadal iyo dhamaantii cidi ma diidana hargiesi tahay magaalo madaxdii dalka jamhuuriyada somalilnad isla markaana uu fadhiyo maamulkii dalku, laakiin waxaa kale oo ay tahay deegaan ay cidi ku abtirsato oo ay degan tahay , hadaba inta la samaynayo xeerka caasimada dalku iyo meeqaamka ay yeelanayo waa degaan la mid ah deegaanada kale ee dalka dadkii asalka u lahaa ayuubaanay tahay in ay deegaankeedana ka taliyaan.
waa mahadsatiin
Cabdimatan