Hargeysa: Xukuumadda oo lacago u qaybisay dadka uu roobkii xalay guryaha ka dumiyay (DHEGEYSO)
Hargeysa 25, July 2012 (SDN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa lacago yar gaadhsiisay dadka ay xalay guryuhu kaga dumeen roobab dabaylo watay oo ka da’ay caasimadda Hargeysa.
Roobabka xalay fiidkii da’ay, waxay dumiyeen ilaa 40 guri oo sandaqado u badan, kuwaasoo ku yaalay xaafadda Sheekh Muuse Ducaale ee degmada Axmed-dhagax, sida uu Xogyaha gobolka Hargeysa Mr. Xamse Ciise sheegay.
Xoghayaha oo u waramay shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, waxa uu sheegay inay saaka soo qiimeeyeen sida uu khasaaruhu u saameeyay dad uu danyar ku tilmaamay oo guryuhu ka dumeen, wuxuuna xusay in maanta gelinkii dambe ay xukuumaddu lacago u qaybisay dadkaas.
Haddaba, waraysigaas oo uu kaga hadlay khasaaraha iyo xaddiga dadka uu saameeyay oo ay ku jiraan dhawr qof oo ku dhaawacmay, halkan hoose ka dhegayso;