|

Hargeysa: Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Xasan oo geeriyooday

Hargeysa April, 16 2013 (SDN)- Guddoomiyihii guddi-hoosaadka arrimaha Dibadda ee golaha Guurtida Somaliland xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Xasan, ayaa goor dhawayd ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Marxuum Cabdillaahi Sheekh Xasan oo muddo dheer ka tirsanaa golaha Guurtida Somaliland, wuxuu ka mid ahaa aqoonyahanada dalka, wuxuuna ahaa guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda u qaabilsan golaha Guurtida.

Siday xubno qoyskiisa ka tirsani u sheegeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, marxuumka oo in muddo ah xanuunsanayay, waxa shalay laga soo celiyay magaalada Addis Ababa oo daawayn caafimaad loo geeyay. Sidoo kale, marxuumku waxa uu ka tirsanaa masuuliyiinta hay’adda wadaniga ah ee COSONGO.

Alle haw naxariistee, marxuumka waxa beri lagu aasi doonaa xabaalaha Boqol-jire ee magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale, kusimaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Seylici, ayaa dhambaal tacsi ah u diray golaha Guurtida, ehelada, qaraabada iyo shacbiga Somaliland ee uu ka geeriyooday marxuum Cabdillaahi Sheekh Xasan.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed