Hargeysa: Jawigii keenista Maxaabiis Budhcad-badeed ah oo Seychelles ku xidhnaa iyo wasiirka Caddaalada Somaliland oo faahfaahin ka bixiyay sababta soo-wareejintooda (Daawo Sawirada)
Hargeysa 28, March 2012 (Qurbejoog.com)- Xukuumadda Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay sababaha keenay in Budhcad-badeed Soomaali ah oo ku xidhnaa dalka Seychelles loo soo wareejiyo Xabsiyada Somaliland.
Barqonimadii maanta waxa Madaarka Hargeysa la keenay 9 ka mid ah 19 Budhcad-badeed Soomaali ah oo ay hore u xukuntay dawladda Seychelles, kuwaasoo gaadiidka Maxaabiista oo qafilan lagaga soo qaaday Madaarka caasimadda, laguna xidhay Jeelka weyn, iyadoo intii wareejintu socotayna la adkeeyay amaanka Madaarka, Xabsiga iyo jidadka xabsiga soo gala intaba.
Wasiirka Caddaalada Somaliland Mr. Xuseen Axmed Caydiid oo shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ka dib markii isaga iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan waaxda Garsoorka, Xabsiga Dhexe iyo hay’addaha ay wadashaqaynta leeyihiin la wareegeen maxaabiistaas, waxa uu sheegay in maxaabiistaasi yihiin hormadii koowaad ee 19 ay xukuumaddu ogolaatay in Seychelles ku soo wareejiso.
Waxa uu sheegay in maxaabiistani dhamaantood yihiin Soomaali u dhalatay Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya, isla markaana soo wareejintoodu ka dambaysay markii sida uu ku dooday Caalamka, dawladda Seychelles iyo Somaliland wadahadalo ka lahaayeen in muddo ah. “Muddoba socday wadahadalada arrinta in Maxaabiis ku xidhan Seychelles intooda dalbada in Somaliland loo soo wareejiyo oo ay halkan xadhigooda ku dhamaystaan in la soo wareejiyo oo la keeno,” ayuu yidhi wasiirku. Wuxuuna intaa ku daray, in sidoo kale arrintani qayb ka tahay heshiis ay Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Seychelles isla qaateen intii uu Madaxweynuhu ku gudojiray socdaalkiisii London ee uu kaga qaybgalay shirkii Soomaaliya loo qabtay bishii hore ee February.
Wasiirku waxa uu sheegay in heshiiska labada Madaxweyne dhigayay in maxaabiistan xabsiyada Somaliland loo soo wareejiyo dabayaaqada bishan March. “Wasaarad ahaan waanu ku faraxsanahay in kooxdii u horeysay ee maxaabiistaas aanu kula wareegnay iyadoo aanay bishani dhamaan,” ayuu yidhi. Wuxuuna xusay inuu ku rejo wayn yahay in 10-ka maxbuus ee kalena dalka lagu keeno inta aanay bishan dabayaaqada ahi dhamaanin.
Waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay qaabka uu dhigayo sharciga kala-wareejinta Maxaabiistu ee Somaliland ula soo wareegi karto maxbuus dal kale ku xidhan, wuxuuna tilmaamay in qorshaha soo wareejintan loo raacay sida sharcigu dhigayo.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in dhamaan 19-ka Maxbuus ee Budhcad-badeednimada ugu xidhnaa Seychelles ay soo codsadeen in loo soo wareejiyo Somaliland, dawladda Seychelles-na ogolaatay, isla markaana dawladdaas iyo dalal aanu sheegin oo caalamka ahina kala soo xidhiidheen xukuumadda Somaliland.
Wasiirka Caddaaladu waxa uu iska indho tiray in la soo wareegida Maxaabiistan Soomaalida ahi aanay wax saamayn ah ku yeelanaynin Somaliland, taas bedelkeedana ay qayb ka tahay dagaal uu sheegay in Somaliland horeba ugula jirtay Budhcad-badeeda Soomaalida. “Hadda wixii ka dambeeyana waxaanu rejaynayaa in aanu helo wixii kaalmo dhaqaale ah ee caalamku nagu taageerayo,” ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid oo sheegay in beesha caalamku gacan dhaqaale ku siin doonto dawladda sidii loo hayn lahaa maxaabiista Budhcad-badeeda ah ee lagu soo wareejiyo Somaliland.
Waxa xusid mudan, in Suxufiyiinta warbaahinta madaxabanaan loo diiday inay Madaarka galaan intii ay socotay soo dejinta iyo la kala-wareegista Maxaabiistan Soomaalida ahi, halka Telefishanka dawladda loo ogolaaday inuu galo, iska markaana duubo arrintaas. Laakiin, wasiirka Caddaaladu waxa uu sheegay in sababta saxaafadda madaxabanaan loogu diiday ay tahay in aanay dawlad ahaan ogolaynba in la sawiro qof maxbuus ah.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com