Hargeysa: Waaxda Cashuuraha Beriga ee Wasaaradda Maaliyadda oo xarumo ka furtay saddex degmo oo caasimadda ka tirsan
Hargeysa 16, July 2012 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismayaasha afar xarumood ka kooban oo loogu talogalay waaxda Cashuuraha Beriga ee wasaaraddaas.
Xarumahaas oo ku yaalla degmooyinka Axmed-Dhagax, Ibraahin Koodbuur iyo Gacan-Libaax oo ka tirsan caasimadda Hargeysa, wuxuuna hadal uu wasiirku furitaankii xarumahaas ka jeediyay kaga waramay faa’iidada ay xarumaha noocan ahi u leeyihiin hawlaha ay u xilsaaran tahay wasaaradda Maaliyaddu, wuxuuna ku dheeraaday qiimaha ay Cashuur-bixintu ugu fadhiso dawladnimada.
Wasiir Samaale wuxuu aad ugu ammaanay dadweynaha Somaliland sida ay iskaga xil saareen bixinta cashuuraha ku waajibay, halka sidoo kalena uu ku dhiirrigeliyay qaybaha bulshada inay cashuurta bixinteeda u arkaan dhismaha qaranimo iyo daboolista baahiyaha adeegyada bulshada.
Waxa uu mahadnaq u jeediyey hay’addaha gacanta ka gaystay hirgelinta dhismayaashaas loogu talogalay waaxda Cashuuraha Berriga, wuxuuna si gaar ah ugu mahadnaqay hay’adda Horumarinta Mucaawimada Caalamiga ah ee Maraykanka ee USAID iyo ururka Socdaalka Adduunka ee magaciisa loo soo gaabiyo IOM.
Masuuliyiinta dawladda Hoose ee degmooyinka dhismeyaashan laga hirgeliyay iyo marwo Adna Aaden oo iyana halkaas ka hadlay, waxay muujiyeen siday ugu faraxsan yihiin hirgelinta hawshan lagu dardar gelinayo ururinta cashuuraha ay qabato xafiiska Cashuuraha Beriga ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland.
Qurbejoog.com, Hargeysa