|

Hargeysa: Ururka Samofalka ee Maan-kaab oo fadhigiisu yahay London oo deeq kala duwan gaadhsiiyay bukaanada ku jira qaybta Dhimirka ee Cusbataalka Guud

Hargeysa Feb. 18, 2013 (SDN)- Ururka Maan-kaab oo fadhigiisu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa maanta deeq gaadhsiiyay dadka ku jira qaybta Dhimirka ee cusbatalka guud ee magaalada Hargeysa.

Munaasibad lagu wareejiyay deeqdaas oo lagu qabtay Cusbatalka guud ee Hargeysa qaybtiisa Dhimirka, waxa ka qaybgalay Agaasimaha Cusbatalka guud Dr. Axmed Askar, Agaasimaha waaxda Dhimirka Mustafe Xuseen Xirsi, guddoomiyaha ururka samofalka ee Maan-kaab Ismaaciil Axmed Xaawa iyo xubno ka tirsan guddiga Caafimaadka gobolka Hargeysa.

Ugu horayn, guddoomiyaha ururka Maan-kaab Ismaaciil Axmed Xaawa oo hadal ka jeediyay munaasibaddaas, waxa uu sheegay in deeqdaasi oo ay ku tabaruceen xubnaha ururkooda ee ku dhaqan London ay ka kooban tahay; Timir, Caanaha la qaso, Dhar, Saabuuno kala duwan iyo agabka loo isticmaalo nadiifinta musqulaha.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in deeqdani ay ku timi lacag ay iska soo ururiyeen xubnaha ururkooda oo ka dhisan galbeedka London, isla markaana ay ugu talogaleen 55 qof oo dumar iyo rag isugu jira oo ah dadka Maskaxda ka xanuunsanaya ee ku jira qaybta Dhimirka ee cusbatalka guud ee caasimadda Hargeysa. “Waxaanu doonaynaa in wax loo qabto dadkeena maskaxda ka xanuunsanaya, deeqdanina maaha tii u horeysay ee urur ahaan aanu soo gaadhsiino,” ayuu yidhi Mr. Ismaaciil Axmed Xaawa. Guddoomiyaha Maan-kaab waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyay guddiga ururkooda ee lacagtaas oo ururisay, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Yuusuf Samaale, Cabdiwahaab Xaaji Xasan, Yuusuf Cabdillaahi Yaasiin, Ismaaciil Siyaad, Cabdi Boobe, Cali Xaaji Yuusuf, Yaasiin Sheeko-xariir, Cabdisamad Xasan Cali, Cabdiraxmaan Doonbiro, Ismaaciil Shiine iyo Maxamed Ursad, kuwaasoo uu xusay inay xilwayn iska saareen soo ururinta lacagta deeqdaas.

Agaasimaha qaybta Dhimirka ee cusbataalka guud ee Hargeysa Mr. Mustafe Xuseen Xirsi oo isna hadal kooban ka jeediyay halkaas, waxa uu u mahadceliyay ururka Maan-kaab oo uu xusay inay dhawr jeer ooh ore deeq noocan oo kale ah soo gaadhsiiyeen dadka cusbataalka ku jira.

Ugu dambayn, Agaasimaha cusbataalka guud ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa Dr. Axmed Askar oo si rasmi ah u gudoomay deeqdaas, ayaa ururka Maankaab ku amaanay deeqda ay ugu taboruceen dadka xanuunada Dhimirka qaba, wuxuuna xusay sida ay deeqdan muhiimka ahi wax uga tarayso baahiyaha ay dadkaasi hadda qabaan.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed