Hargeysa: Tabobar loo furay 25 xubnood oo ka hawlgalaya waaxda Garsoorka dalka
Hargeysa 11, August 2012 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland Mr. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa maanta u furay tababar socon doona muddo sadex bilood ah 25 xubnood oo loo tababbarayo hawlaha Garsoorka dalka.
Tababarkan oo ka furmay xarunta wasaaradda ee magaalada Hargeysa, waxa uu dabo socdaa tababar hore oo ay xubnahani muddo 7 bilood ah hore ugu soo qaateen aqoon la xidhiidha dhinaca Garsoorka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka Maxamed Yuusuf Xaaji Cabdi (Galaydh) oo munaasabadaa ka hadlay ayaa faahfaahiyey xubnaha tababarka qaadan doona oo uu ku tilmaamay aqoonyahano ka soo baxay Jaamacadda Hargaysa qaybteeda sharciga isla markaana labada tababar ee la marinayaa ay ujeedadooyinkoodu yihiin in la tayeeyo si ay u gudan karaan waajibaadka loo xil saaro, wasaaradda cadaaladuna ay mar walba heegan ugu tahay sida loo dabooli lahaa cabshooyinka ka taagan dhinaca garsoorka.
Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Mr. Xuseen Axmed Caydiid oo isna la hadlay xubnaha tababarka loo furay, ayaa sheegay inay lama huraan noqotay in muddo sadex bilood ah oo cusub loogu kordhiyo xiligii ay qaadan lahaayeen tababarkan dhinaca garsooorka ka dib markii la eegay aqoonta soo gaadhay iyo midda qabyada ah, sidoo kalena la ogyahay baahiyaha dhinaca garsoorayaasha ee dalka ka taagan.
Mr. Caydiid waxa uu ku dhiirrigeliyey tababartayaasha inay ka faa’iidaystaan fursadan isla markaana ay u diyaargaroobaan hawl adag oo shaqo ah oo la doonayo inay noqoto mid keenta ama hirgelisa isbedelkii Dhinaca garsoorka ee laga sugayey Wasaaradda Cadaaladda.
Qurbejoog.com, Hargeysa