|

Hargeysa Shahaadooyin la guddoonsiiyey 25 hablood oo dhammaystay duruus ku saabsan arrimaha qoyska

Hargaysa 07.June 2015 (SDN/QJ)- Arday tiradoodu dhan tahay 25 hablood, ayaa markii ugu horraysay ka qallin-jebiyey culuumta arrimaha qoyska oo ay ku barteen dugsiga Qoys-kaab oo dhawaan laga aasaasay Somaliland.

qoys kaabXaflada qallin-jebinta hablahan oo lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa , waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, Xoghayaha Warfaafinta xisbiga WADDANI Boobe Yuusuf Ducaale, masuuliyiin, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Marwo Nada Yuusuf Cumar oo ah haweenay da’yar ee aasaastay dugsigan, ayaa tilmaantay in ay aad ugu faraxsan tahay hami ay in badan ku taamaysay oo maanta hirgalay, kaasoo ay xustay inuu ahaa in ay mar uun soo saarto da’yar guurka ka hor u tababaran habka qoys islaami ah loo yagleelo.

In badan ayaan ka ooyay oo ka murugooday carruurta waddooyinka taagan. Carrauurta xabagta cabaysa. Carrruurta dooxyada joogta iyo caarruurta jeelasha ku jirta, waxaas oo dhammi waxa ay noqdeen kuwo qalbigayga ku beera naxdin iyo murugo. Waxa aan is waydiiyay tollow carruurtu haddii ay jeelasha wada galaan yaa dalka xukumi doona? Haddii carruurtu sidan noqoto ayaa mustaqbalka dalkan u hadhi doona? Waxa kale oo aan is waydiiyay tollow carruurtan maxaa dhibta ugu wacan maxaa jeelka loo geeyaa. Markii aan xog-ururin badan sameeyay waxa aan ogaaday inay tahay waalidkood oo kala tagay, aaabbahood iyo hooyadood oo aan wada joogin iyo qoyskoodii oo burburay, taasina sababtay inay dooxyada tagaan, waxa aan is waydiiyay ma carruurta ayaa la tarbiyadeeyaa mise hooyadood iyo aabbahood ayaa la isku celiyaa,” ayey tidhi Guddoomiyaha dugsiga Qoys-kaab ee magaalada Hargeysa.

Xoghayaha warfaafinta xisbiga WADDANI, ahna nin qoraa ah Mr. Boobe Yuusuf Ducaale oo hadal ka jeediyey xafladaas, ayaa bulshada ugu baaqay in dugsiga Qoys-kaab iyo xubnaha halkaas soo gaadhsiiyey la is garab taago, waxna lala qabto, waxaannu yidhi; “Waa masuuliyad ina wada saaran, ummaduna noqon mayso ummad, mujtamucuna noqon maayo mujtamac, haddii aynan qoys ka soo bilaabin. Nada (guddoomiyaha dugsiga Qoys-kaab) waan hambalyaynaa iyo inta la hawlgashayba, dhiiranan ayaa ku jirta, waxa ay u baahan tahay in la garab galo, waxaynu u baahanay haddii aynu doonayno inaynu ummad noqono unuggu waa qoyskee in qoyska laga soo bilaabo.”

Waxa kaloo uu kula taliyey masuuliyiinta dugsiga Qoys-kaab in hawlahooda maalinlaha ah ku darsadaan qayb diiwaangelisa dhacdooyinka keena qoys burburka si xalkooda loo helo, baadhitaana looga sameeyo.

Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee xisbiga KULMIYE marwo Canab Cumar Ileeye oo ka mid ah macallimiinta ardayda qallin-jebisa duruusta u dhigaysay, ayaa tilmaantay in ay hablaha qallin-jebiyey iyo ardayda kale uga faa’iidaysay awaayo-aragnimadeeda ay u leedahay dhinaca dhaqanka Soomaalida iyo sida qoyska loo dhiso, iyadoo xustay in dugsigan cusub qayb ka qaadan doono sidii loo soo saari lahaa da’yar aqoon u leh qaabka loo dhiso qoysaska fiican, loogana fogaado waxyaabaha keena burburka qoysaska.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo oo hadla ka jeediyey xaflada qallin-jabinta ah, ayaa sheegay in qoyska wanaagsan yahay hooyada iyo aabbaha oo si wanaagsan u tarbiyadeeya carruurta, waxaannu yidhi; “Qoysku waa aabbaha iyo hooyada oo waajibkooda garta, carruurta waxa saameeya hadba sida waalidkood u rabbeeyaan. Waxa aan aad ugu mahadnaqayaa maamulka dugsigan Qoys-kaab oo inoo soo kordhiyay wax aad u wanaagsan, waxa kale oo aan halkan hambalyo uga soo jeedinayaa hablaha dhammaystay Qoys-kaab. Qoysku waa unuga dhismaha bulshada, bulshaduna waxa ay ka kooban tahay qoysas waddaag ah, qoysku waxa uu ka bilaabmaa Aabbe iyo Hooyo, waxana ku soo biira carruur. Haddii qof cimrigiisa la qiyaaso isku celcelin waxa laga yaabaa in 60% uu qofku ku jiro xayndaabka qoyska, ilmuhu marka uu qoyska ku soo biiro af lama dhasho, qoysku waa halka ilmaha loogu bilaabo anshaxa iyo wanaaga,macallimiintu waa hooyada iyo aabbaha.

Shanta sanno ee ugu horeeya qofka da’diisa waa shanta sanno ee ugu mihiimsan noloshiisa, waayo waxa uu noqonayaa uun shantaas sanno sida uu noqonayo.”

Ugu dambaytiina waxa xafladaas shahaadooyin lagu guddoonsiiyey ardayda tiradoodu dhan tahay 25 hablood ee ka qallin-jabiyey dugsiga Qoys-kaab.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed