|

Hargeysa: Qiimaha Baska Lagu Raaco Iyo Ka Xamaamyada Lagu Gelo Oo Meelaha Qaar La Kordhiyey

Hargaysa 05. July 2017 (SDN/QJ):- Waxa Maalinba Maalinta ka dambaysa kor u sii kacaya Qiimaha Maceeshadda Quutal-daruuriga ah iyo Adeegyada Dadweynaha, taana waxa sabab u ah Sicir-bararka Dollarka oo halkii ugu saraysay ka maraya Magaalooyinka Somaliland.

Sicir-bararka Dollarka ayaa gaadhay in Boqolka Dollar lagu Sarrifo ama Beddelo inta u dhaxaysa 920,000 kun oo Shilin iyo 9,45000 Shilin, wallow Qiimaha Sarrifka Boqolka Dollarka ayaa Sabtidii hoos ugu soo dhacay 900,000 kun, ka dib markii sida la sheegay uu Baanka dhexe uu suuqa ku siidaayey Lacag Dollar ah oo aan Qaddarkeeda la ogeyn.

Hasa-ahaatee, waxa kor u sii kacaya Qiimaha Quutal-daruuriga iyo Adeegyada Dadweynaha, sida Qiimaha lagu raaco Basaska Xaafadaha Hargeysa u kala baxa, Qiimaha lagu gelo Xamaamyada ku yaalla Suuqyada Hargeysa iyo waxyaabaha uu ka mid yahay Shaahu.

Shalay ayaa Basaska Xaafadaha Hargeysa u kala goosha qaarkood oo Daweynuhu ku raaci jireen Lacag dhan 1500 Shilin lagu kordhiyey Shan boqol oo Shilin, waxaana Shalay uu Qofku Basaska u baxa Xaafadda Xero-Awr oo kale ku raacayey 2000 kun oo Shilin, iyadoo Dirawallada Gaadiidka Dadweynuhu qiimaha ay kordhiyeen ku sababeeyeen Sicir-bararka Dollarka.

Waxyaabaha kale ee markii ugu horreysay Qiimahoodu kordhay waxa ka mid ah Xamaamyada ku yaalla Suuqyada Hargeysa qaarkood, kuwaasi oo hadda laga dhigay Kun Shilin, halkii hore loogu geli jiray Shan boqol oo Shilin.

Qiimo-korodhka ku yimid Adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada, ayaa lagu sababeeyay Lacagta Shilinka ah iyo Dollarka oo is-dabooli la’

“Annagu Dollar waxba kuma iibino oo Somaliland-baanu wax ku iibinaa, markaanu is nidhaahno Dollar ku beddela kor buu noogu kacaa, mar walbana Khasaare ayaanu ku suganahay, markaa Dawladdayada waxaanu ka codsanaynaa inay ka qabato wixii ay ka qaban kareyso.”ayay tidhi, mid ka mid ah Haweenka Ganacsiga yaryar ku haysta Suuqa Waaheen ee Hargeysa.

Ugu dambayn, Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ayaa Dhowr jeer Go’aamo ka soo saartay Qiimaha Sarrifka Dollarka, iyadoo soo jeedisay inaan Boqolka Dollar la dhaafin karin inta u dhaxaysa Toddoba boqol oo kun oo Shilin iyo 750,000 kun oo Shilin, laakiin waxba kama hirgelin.

Comments are closed