|

Hargeysa Oo Xab-xab La’aan ah

 Hargeysa:June,23,2015(SDN/QJ)-Ramadaan kasta xilliyadan oo kale magaalada Hargeysa waxa aad looga isticmaalaa qudaarta xabxabka, iyadoo wakhtiga ramadaanta uu soo go’i jiray xabxab aad u tiro badan, waxaana xabxabkaasi dadka intooda badani isticmaalaan wakhtiga afurka,

balse ramadaantan aynu ku jirno ayaan illaa hadda xabxabkii loo bartay aanu soo go’in, marka laga sootago goobo cayyiman oo qiima ahaana uu qaali yahay,

waxaana xabxab la’aanta magaalada hargeysa lagu micneeyay wakhtigii abaarta oo kusii dabo dheeraatay gobolada galbeedka Somaliland oo inta badan xabxabka laga soo guri jiray..

qiimaha xabxabka ayaa cirka isku shareeray waxaana uu u dhaxeeyaa qiimihiisu 40kun illaa 100kun oo shilinka Somaliland ah, halka barigii hore midhka ugu qaalisan ahaa 40kun. Waxaana xabxab la’aanta laga dareemay guud ahaan magaalada Hargeysa.

 

cas100_1381 100_1382

SDN/QJ

Contact@somaliasporanews.com

 

Comments are closed