|

Hargeysa oo heer kulkeedu gaadhay heer aan hore loo arag iyo alle bariga Shacabka

Hargeysa Mar 30,2012(SDN)-Geeska Africa ayaa beryihii u danbeyay waxa ku habsaday jawi si weyn wax uga bedelay nolol maalkeedka shacabka ku dhaqan degmooyinka Gobolka.

Magaalooyinka Soomaalida ayaa si gaadha looga dareemay cimiladan isbedeshay ee aan nooceeda oo kale hore loo arag.

Magaalada Hargeysa ayaa shacabku maalintiina dhaqaaqi waayeen,habeenkiina gam’i waayeen heer kulka cirka isku shareeray awgii.

Maanta oo Jimce ahna magaalada waxa aad moodeysay in laga maqan yahay,bacdamaa ay caadiyan maanta oo kale wadooyinku ugu saxmad badan yihiin.

Daruuro ayaa saacadaha qaar du hoganaya Magaalada,iyada oo shacabkuna ay Eebe ka baryayaan in ay u hoorto mar uun.

Si kastaba ha ahaatee,waxa muuqda in isbedelka cimilada ee dunada soo foodsaaray in degaanada Soomaalidana ay saameysay,iyada oo isbedeladaani aaney shacabku awood u leheyn la qabsigooda.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed