Hargeysa Oo Aan Shalay Wax Xoolo ah Lagu Qalin, Hoggaankii Hiliblayaasha Nafaqo Amarro ay Bixisay SHirkadda La Naas-nuujiyo Ee Maandeeq Jeelka Lagu Dhigay
Hargeysa:Sep,02,2015(SDN/QJ)-Caasimaddda Somaliland ee Hargeysa, ayaan maalintii shalay Hilib ah lagu qalin, kadib markii Dadka Halkaas Hilibka qalaa ay si isku duubni ah udiideen inay Xoolaha Qalliinka ugu diyaarsan ku wareejiyaan Shirkadda Qalliinka qaabilsan ee Maandeeq, taas oo kor u qaadday Qiimaha Khidbadda ee ay ka qaadi jirtey Xoolaha ay qasho.
Ururka ay ku bahoobeen Hiliblayaasha Magaalada Hargeysa ee Nafaqo, ayaa si weyn uga biyo diiday Lacagaha lagu soo kordhiyey Xoolaha ay Shirkadda Maandeeq qalayso, waxana ay ku dhaqaaqeen shaqo-joojin ballaadhan oo laga dareemay magaalada Hargeysa.
Lacagaha ay shirkadda Maandeeq ku kordhisay Xoolaha ay qalayso, ayaa waxa ay la kaashatay Dawladda Hoose ee Hargeysa, taas oo Hiliblayaasha u sheegtay inay u hoggaansamaan Amarka kasoo baxay Shirkaddaas, isla-markaana ay bixiyaan lacagahaas dheeriga ah, maadaama laga doonayo inay kor u qaaddo adeegeeda dhinaca qalitaanka Xoolaha.
Shaqo-joojintaas kadib, ayaa waxa arrintaas si weyn uga cadhootay Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxana xabsiga loo taxaabay Guddoomihii, Xoghayihii Guud iyo Waliba Xubno sarsare oo Ururkaas katirsanaa, kuwaas oo meelo kala duwan lagu xidxidhay.
Ururka Hiliblayaasha Nafaqo ee Magaalada Hargeysa, ayaa si weyn uga soo horjeestay
“ma yeelayno inay shirkadda Maandeeq nagu amarku-taaglayso, annagoo kumanaan qof ah ayaa nalaga raacayaa hal shakhsi oo maal haysta, waa caddaalad-darro baahsan oo aanaan u dulqaadan Karin, waxana masuul ka ah dhibaatada naloo geystay iyo xadhiga aanaan geyin ee nalagula kacay Maayarka Caasimadda iyo Ku-xigeenkiisa.” Ayey tidho Marwo Kaltuun Maxamed oo iyadoo dul fadhida miis aanay waxba dulsaarnayn oo ay ku leedahay Sariibadda Waaheen.
Dhibaatadan ka dhalatay lacagta dheeriga ah ee lagu kordhiyey xoolihii ay kawaanka Hargeysa ku qali jirtey Shirkadda Maandeeq, ayaa cirka isku shareertay markii ay guuldarro ku dhamaadeen isku dayo la doonayey in hoggaanka Ururka iyo Shirkadda Nafaqo la iskugu soo dhaweeyo, waxana wali aan wax xal ah laga gaadhin mushkiladdan taagan oo taabanaysa Nolosha Shacabka oo dhan.
Shirkadda Qalliinka Xoolaha ee Nafaqo, ayaa tan iyo xilligii xukuumaddii Daahir Rayaale waxa ay Kooto ku haysataa Qalliinka Hilibka, waxana dhaliilo isa soo taraya, loogu jeedinayaa dhibaato ka taagan nadaafadda Gaadiidka ay Hilibka ku qaaddo oo liidata xilli ay dadka xoolaha ay qalayso leh ka doonayso Lacago xad-dhaaf ah.
Xukuumadda Dhexe ayaan wali soo farogelin dhibaatada ka taagan shirkaddan Lacagaha dheeriga ah ka Dalbatay qalista xoolaha, iyadoo wali khilaafku meel sare marayo
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com