Hargeysa: Nuxurka kulan dhexmaray Xukuumadda iyo wefti ka socda dalka Switzerland
Hargeysa 10, June 2012 (Qurbejoog.com)- Xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, ayaa maanta kulan la yeeshay wefti ka socda dalka Switzerland.
Weftiga ajaanibka ah oo ka socday hay’adda horumarinta iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Switzerland (SDC), waxa kulan ku qaabilay wasiirada Kalluumaysiga, Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha ee Somaliland. Kulankaas oo sidoo kale ay ka qaybgaleen, agaasimeyaasha guud ee wasaaradda Kalluumaysiga iyo Deegaanku, waxa uu ku qabsoomay xarunta wasaaradda Kalluumaysiga ee magaalada Hargeysa.
Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Somaliland Mr. Cabdullaahi Jaamac Cusmaan (Geel-jire) oo kulankaas ka dib warbaahinta la hadlay, waxa uu sheegay in waxyaabihii kulankaas lagu naaqishay ay ka mid ahaayeen, baahiyaha afar wasaaraddood oo kala ah; Kalluumaysiga, Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka ee dawladda Somaliland.
Mr. Geeljire waxa uu tilmaamay in afartaa wasaaradood ay mid kastaaba dhinaceeda qoraal baahiyaheeda xambaarsan iyo dhinacyada ay doonayaan in gacan laga siiyo u gudbisay weftiga ka socday dawladda Switzerland.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com