|

Hargeysa: Nin Isku Dal-dalay Geed Ku Yaalla Xaafadda Masallaha SAWIRRO

Hargeysa,29Dec,2015(QJ/SDN)- Xaafadda Masallaha ee duleedka koonfureed ee Caasimadda Hargaysa ayaa lagu arkay Nin is Daldalay oo iska soo laaladiyay Geed qudhac ah oo ku yaalla xaafadaasi .

Ninkan oo aan illaa haatan aan la garan cidda uu yahay iyo magaciisa toona ayaa Saaka Barqadii isku daldalay Geedkaasi .

Mid ka mid ah goob joogyaashi halkaasi ku sugnaa ayaa warbaahinta u sheegay In ninkan uu saaka is daldalay isla markaana ay caruur iyo dumar si kadis ah ula kulmeen ninkan oo ka soo laalaada Geedka , naftuna ay ka baxday .

Sidoo kale goob joogahan wuxuu sheegay in ninkan ay lugihiisa ka muuqdeen dhaawacyo aan la garan karin halka ay ka soo gaadheen kuwaas oo sababay in dhiig badani ka daato  .

Geesta kale, Ruux kale oo isna ku sugnaa isla goobtan uu ninku isku Daldalay ayaa sheegay in uu ninkan wajigiisa aqoonsaday oo uu dhawaan uu xanuunka dhinaca dhimirka ahi ku dhacay wallow aan la xaqiijin karin hadalka Goob joogahaasi  .

Ninkan is daldalay, ayaa is daldalaaddiisan u isticmaalay Macawis uu isku tidcay isagoo isku soo xidhay laamaha kuwa ugu sareeyaa ee geedkaasi .

Ugu danbeentii, Ciidamada booliska ayaa goobta soo gaadhay iyagoo maydkii goobta ka qaaday.

Si kastaba, maahan markii ugu horreysay ee magaalada Hargeysa uu qof isku dal-dalo, balse bilooyin ka hor waxa dooxa way nee magaalada Hargeysa isku dal-dalay Nin ganacsade ah.

IMG-20151229-WA0004 IMG-20151229-WA0003 IMG-20151229-WA0002

Comments are closed