|

Hargeysa: Nin Dab qabadsiiyay Meherad ganacsi oo uu haystay

Hargeysa 04, March 2012 (Qurbejoog.com)- Maxamed Coofiye oo meherad ganacsi ku haystay badhtamaha magaalada Hargeysa, ayaa barqonimadii maanta dab qabadsiiyay meheradaas uu lahaa.

Meheradan ganacsi oo ahayd dukaan yar, waxay ku taalay barxada hore ee dhisme ay ku jiri jirtay xawaaladdii kacday ee Qaran Express, gaar ahaan agagaarka dhismaha Dal-wanaaje building ee ina Afdiine ee suuqa dhexe ee magaalada Hargeysa.

Siday goobjoogeyaal u xaqiijiyeen shabakadda Qurbejoog.com, ninkani waxa uu meheradiisa dabka u qabadsiiyay markii ay dawladda Hoose ku wargelisay inuu meesha ka guuro, ka hor inta aan jidkaas laga fulin hawlgal wado banayn ah oo qayb ka ah olole culus oo ay todobaadkii u dambeeyay waday. “Hore ayaa loogu wargeliyay inuu meheradiisa ka raro meesha inta aanay Cagaftu ka duminin, saakana xaajiyad (baabuur) ay dawladda Hoose leedahay baa u timi oo waydiisay sababta uu u furfuri waayay meheradiisa,” ayuu yidhi mid ka mid ah goobjoogeyaal u waramay Qurbejoog.com/Somalidiasporanews.com. “Laakiin, wuxuu ku yidhi xageen geeyaa markaan meherada furfuro?….Dabadeedna inta uu meherada ka soo baxay uun buu Dab qabadsiiyay,” ayuu hadalkiisa raaciyay goobjoogehaasi.

Waxa goobtaas ku ururay dadweyne tiro badan, iyadoo ciidan Boolis ah oo halkaas tegayna xidheen ninkaas meheradiisa gubay, kaasoo ku dooday in aanu haynin meel uu u guuro.

Dhacdadani waa tii u horeysay ee nooceeda ah tan iyo markii ay dawladda Hoose ee caasimadda Somaliland bilawday ololahaa wado banaynta ay wado oo dhawr maalmood ka hor hal qof ku dhintay, ka dib markii rabshado dhexmareen Booliska iyo ganacsatada jidadka hareerahooda ku ganacsanayay.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed