|

Hargeysa: Mudaharaado kala duwan oo ka dhacay Waqooyiga iyo Koonfurta Magaalada

Hargeysa, 25, Mar 2012 (SDN)- Mudaharaado kala duwan ayaa saaka waaberigii ka dhacay goobo kala duwan oo ka mid ah Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Mudaharaadadan oo ujeedooyinkooda kala duwanaayeen ayaa xilliyo isku dhaw ka dhacay koonfurta iyo waqooyiga Hargeysa.

Dadweyne tiro badan oo ka cabanayay xadhiga Badhasaabkii hore ee Maroodi-jeex oo muddo saddex todobaad ah ku xidhan xabsiga dhexe ee Hargeysa, kaasoo ku eedaysan arrimo musuqmaasuq, isla markaana aan wali la horkeenin Maxkamad ayay dadweynahan u mudaharaaday oo u badnaa dhalinyaro, markii ay soo gaadheen wadada xaga dambe ka marta Cusbitaalka wayn ee Hargeysa waxa xoog ku kala kexeeyay Ciidamada ammaanka ee sida gaarka ah u tabobaran ee loo yaqaan SPU. Kuwaasoo xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah dhalinyarad mudaharaadka dhigaysa.

Dhinaca kale, ardayda Dugsiga sare ee Quule Aadan EX. Xalane oo ku yaalla galbeedka wadada Total ayaa saaka iyaguna u mudaharaaday maamulkii Dugsigooda, kaasoo hore ardaydiisa amar ugu siiyay inay dumiyaan goob xashiish oo dugsigaas laga ag dhisay, isla markaana ku mutaystay in la xidho.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale ardaydaasna xoog ku kala dareeriyay, iyagoo u adeegsaday rasaas ay kor u ridayeen, waxaanay wararku intaas ku darayaan in ardaydaas qaar ka mid lagu xidhay saldhiga dhexe ee Hargeysa.

SDN, Hargeisa Somaliland

Said8090@gmail.com

 

Comments are closed