|

Hargeysa: Maxkamadda Sare ee ciidamada Somaliland oo xukuno dil iyo xadhig ah ku riday laba askari

Hargeysa 15, September 2012 (SDN)- Maxkamadda Sare ee ciidamada Somaliland, ayaa xukuno dil iyo toogasho ah ku riday laba askari oo ka tirsanaa laba askari oo tirsan ciidanka Booliska.

Sida lagu sheegay qoraal uu ku saxeexnaa guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada Qaranka Mr. Xasan Aadan Sugule, Maxkamadda ciidamadu waxay maanta xukun dil ah ku riday askari Maxamed Xuseen Dirir oo dhowaan qof ku dilay Burco, halka ay askari Axmed Warsame Xirsina ku riday dhawr sannadood oo xadhig ah, wuxuuna qoraalkaasi u dhignaa sidan; “Maxkamada sare ee ciidanka qaranku waxay dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle askari boolis Maxamed Xuseen Dirir,kaas oo ku dilay magaalada Burco Marxuun la odhan jiray Khadar Abshir Axmed,taariikhdu markay ahayd 11.05.2012 ,waxay Maxkamadu u cuskatay Xukunkeeda Qodobka 434 ee Xeerka Ciqaabta Guud iyo qodobada la xidhiidha sida 195.

Sidoo kale waxay Maxkamadu Sadex Sanno oo xadhig ah ku riday Askari boolis Axmed Warsame Xirsi iyadoo maxkamadu u cuskatay xukunkeeda qodobka 102, ee xeerka ciqaabta ee ciidamada wakhtiga nabada.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed