|

Hargeysa: Marwada Koowaad oo lacag ugu yaboohday wado isku-xidhi doonta xaafaddaha Sheekh Nuur iyo Idaacadda

Hargeysa 11, June 2012 (Qurbejoog.com)- Marwada koowaad ee Somaliland Aamina Sheekh Maxamuud Jirde (Aamina-weris), ayaa lacag ugu deeqday dhismaha jid cusub oo isku xidhi doona xaafaddaha Sheekh Nuur iyo Idaacadda ee magaalada Hargeysa.

Munaasibad maanta loo sameeyay dhagax-dhiga jidkaas oo dhererkiisu dhan yahay 3.5 Km, dhismihiisana ay iska kaashanayaan dawladda Hoose iyo dadweynaha labada xaafadood, waxa ka qaybgalay marwada Madaxweynaha, wasiirka Duulista Hawada Mr. Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiir kuxigeenka wasaaradda Daakhiliga waaxdeeda Amniga Cabdullaahi Abokor Cusmaan, maayar kuxigeenka caasimadda Hargeysa Mr. Maxamed Cabdullaahi Uurcadde, Lataliyaha Madaxweynaha ee dhinaca dadka Lahayb-sooco Mr. Barkhad Jaamac, guddiga iyo qaar ka mid ah dadweynaha xaafadda Sheekh-Nuur oo ka tirsan degmada Gacan-libaax.

Ugu horayn, guddoomiyaha xaafadda Sheekh-Nuur Mr. Saleebaan Samatar oo hadal ka jeediyay munaasibaddaas, waxa uu ka waramay baahiyaha dhinaca wadooyinka ee xaafaddaas, wuxuuna xusay inay liitaan jidadka xaafaddaas ku xidha qaybaha kale ee magaalada Hargeysa. Waxa uu sheegay in dawladda Hoose ay gacan wax-ku-ool ah ka geysanayso dhismaha jidkaas oo uu ku tilmaamay mid baahi wayn loo qabay.

Marwada koowaad ee Somaliland Aamina-weris Sheekh Maxamuud Jirde oo hadal ka jeedisay munaasibaddaas dhagax-dhiga wadada cusub, waxay sheegtay inay lacag $1000 (kun doolar) ah si shaqsi ah ugu deeqday dhismaha jidkaas.

Marwo Aamina-weris waxay sheegtay in xaafaddaasi ay iyada meel gaar ah kaga taalo, maadaama siday sheegtay ay xilligii ololihii doorashadii Madaxtinimo ee 2010 taageero u muujiyeen xisbiga KULMIYE. Sidoo kale, waxay sheegtay inay tixgelin ugu hayaan ‘cod ay sheegtay in dadweynaha xaafadda Sheekh-Nuur siiyeen xisbiga KULMIYE’.

Ugu dambayn, waxay dadweynaha xaafaddaas ku boorisay inay sii wadaan dedaalkooda, isla markaana ay wax la qabsadaan oo ay dedaalka ku garab galaan dawladda Hoose ee Hargeysa.

Dhinaca kale, waxa goobtaas qadar lacag ah oo kala duwan kaga yaboohay shaqsiyaad kale iyo guddiga iskaashada basaska yaryar ee u baxa xaafaddaas.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed