Hargeysa: Madaxweyne Siilaanyo iyo Maayarada todoba magaalo oo kulan yeeshay, maxay ka wadahadleen?
Hargeysa 13, June 2012 (Qurbejoog.com)- Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kulan la yeeshay maayarada todoba magaalo oo dalka ah, kuwaasoo ah magaalooyinka ku midoobay urur ay dawladdaha Hoose leeyihiin.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soosaaray afhayeenka Madaxtooyada Mr. Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse), kulankani waxa uu daba socday kulan uu hore Madaxweynuhu ula yeeshay guddoomiyeyaasha gobollada, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay 7-da Maayer ee Magaalooyinka ay darajadoodu tahay A-da.
Kulankan oo daba socday kulan u Madaxweynuhu hore ula yeeshay Badhasaabada Dalka 05/06/2012.
waxa uu Madaxweynuhu maayerada ka dhegaystay warbixin la xidhiidha hawlaha ay qaranka u hayaan iyo xidhiidhka wada shaqaynayd ee Hay’adaha Dawladda.
Warbixintaa dheer waxay Maayiradu kaga warameen wax-qabadkooda labadii sanno ee ugu dambeeyey oo ay sheegeen inuu aad iyo aad uga badan yahay Sannadihii ka horeeyey waxaanay taa ku amaaneen Xukuumada Cusub ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay sheegeen in ay ka helaan Gacan qabasho u suurto gelisay dedaalka ay sameeyeen.
Maayeradu waxay soo jeediyeen talooyin badan oo wax ku ool ah gaar ahaana khuseeya dhinaca nabad-gelyada iyo cadaalada.
Gebegabadii Warbixintaa ka dib Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa maayerada uga mahad-celiyey talooyinka ay soo jeediyeen iyo wax-qabadkoodaba.
Waxaanu kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda isla markaana ay indho gaara ku hayaan nabad-gelyada iyo cadaalada oo uu sheegay inay yihiin Aas-aaska Nolosha iyo Dawladnimadaba.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com