|

Hargeysa: Madaxweyne Siilaanyo iyo Culimadu maxay kaga hadleen kulankoodii Madaxtooyada?

Hargeysa 16, August 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kulan la yeeshay koox ka tirsan culimada dalka, kuwaasoo ay ku kulmeen kulan afur iyo casho-sharaf ah oo uu ugu sameeyay xarunta Madaxtooyada.

Madaxweynaha iyo culimadu waxay isla soo qaadeen dhawr qodob, waxayna bulshada si wadajir ah ugu baaqeen adkaynta nabadgelyadooda.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, kulanku waxa uu la xidhiidhay xog-waraysi iyo sidii ay culimadu u xoojin lahaayeen kaalintoodii nabadgelyada, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan; “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa caawa kulan Afur iyo Casho sharaf ah la qaatay Culimo aw diinka Reer Somaliland oo ka kala yimid 6-da Gobol ee Somaliland.

Kulankan oo ku qabsoomay qasriga madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ahaa kulan ay madaxweynaha iyo Culimo aw diinku ay yeesheen, kaas oo la xidhiidha is xog-waraysi iyo sidii ay culimado aw diinka Somaliland u xoojin lahaayeen nabadgelyada, ee ay awalba caadada iyo dhaqanka u ahayd culimada una ilaalin jireen nabadgelyada.

Kulankaa is xog-waraysiga ah, ka dib waxa Culimada hadal kooban oo mahadnaq iyo dardaaran u jeediyey madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo uga mahadnaqay culimo aw diinka sida qiimaha badan ee ay u soo ajiibeen kulankan, isaga oo madaxweynuhu culimo aw diinka xog-waran ka siiyey xaalada guud ee nabadgelyada dalka iyo doorka ay ku leyihiin ka culimo ahaan.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu uga mahadnaqay Culimo aw diinka sida ay uga qayb qataan baraarujinta ay marwalba la garabtaagan yihiin mushtamaca reer Somaliland.

Ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu kula dardaarmay culimo aw diinka inay meel uga soo wada jeedaan ugana digaan bulshada kuwa xumaha kula dhex wareegaya ee diinta sida qaldan u fahmay ee ma-jara habaabiya dhalin yarada aan qaan gaadhin iyo kuwa is garxiya ee argagixisada ah, isaga oo madaxweynuhu sheegay in ay marwalba ka wacdiyaan dhalinta wixii xun.

Culimo aw diinkuna waxa ay balan qadeen in ay meel uga soo wada jeesan doonan qarannimada Somaliland iyaga oo ku dheeraaday in nabadgelyadu tahay mid lagama maarmaan u ah qof kasta oo ku nool aduunka, haseyeeshe wixii ku waajib ah ee la xidhiidha wada shaqaynta xukuumad iyo shiciba ay diyaar u yihiin kana wacyi-gelin doonaan wixii dhawacaya nabad-gelyada.

Ugu danbayn waxa Madaxweynaha iyo Culimo aw diinku ay bulshada ugu baaqeen in ay ahaadaan dad meel uga soo wada jeeda jiritaankooda iyo nabadgelyadaba Dalka.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinaayey xubno ka mida golihiisa wasiirada.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed