Hargeysa: Maalmaha Ciidda oo si weyn loogu diyaar garoobayo iyo shacabka oo la ildaran cidhiidhi Ragaadiyey Suuqa Waaheen
Hargeysa:3-aug-2013(SDN)Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Jamhuuriyada Somaliland, waxa ka socda dhaqdhaqaaq xooggan oo dhinaca ganacsiga ah, waxana ay dadweynuhu si weyn ugu diyaargaroobayaan Maalmaha Ciidda oo kaabiga inagu soo haya.
Badiba shacabka gaar ahaa Hooyooyinka iyo Carruurta, ayaa si aad ah u buux-dhaafiyey suuqyada waaweyn ee Lagu iibiyo waxyaabaha kala duwan ee lagu labisto Maalmaha Ciidda sida dharka, kabaha iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah Lebiska maalintaas.
Waxa uu dhaqdhaqaaq weyni ka socdaa suuqa weyn ee Waaheen oo ku yaalla badhtamaha caasimadda Hargeysa, waxa halkaas ka jira cidhiidhi ba’an oo ay dadka wax iibsanayaa kala kulmayaan Meelaha ay u baahan yihiin inay wax ka iibsadaan.
Waxa ka jira suuqa weyn ee Waaheen oo ah xarunta ugu ballaadhan ee lagu iibiyo dharka iyo kabaha ay Guud ahaanba xidhaan dadku, ayaa ah meel aan ku filnayn oo aan qaadi Karin tirade dadka caasimadda ku nool oo maalinba maalinta ka dambaysa sii badanaya, waxana sanad walba ay dadka wax iibsanayaan kala kulmaan cidhiidhi iyo is jiidh-jiidh aad u xun, balse xukuumadda gaar ahaan dawladda hoose ayaan iyadu arrintaa waxba ka qabanin.
Haddaba maanta mar ay qaar ka mid ah hawlwadeenada Mareegta Intertet-ka ee Qurbejoog.com ay booqasho ku tageen suuqa weyn ee Waaheen, ayaa waxa ay halkaa ku arkeen cidhiidhi weyn oo ka jira habsami u socodka iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, waxana Guud ahaanba goobta ka muuqatay inaanay dadku tahli karaynin inay si fiican u dhex maaxaan suuqa oo caqabado cidhiidhi ugu weyn yahay ka muuqday.
Dadka ayaa si weyn u iibsanaya waxyaabaha ay u baahan yihiin ee ay ugu diyaar garoobayaan Maalinta Ciidda Barakaysan ee Ciidul-fidriga, waxana ay sheegeen inay Dareemayaan waxoogaa sicir-barar ah oo dharka iyo Kabaha ku dhacay, taasina ay dhibaato weyn ku tahay dadka danyarta ah ee aan jeebkoodu buurnayn.
Waxa la filayaa in dhaqdhaqaaqa suuqu uu kor u sii kaco maalmaha soo socda, waxana sida cad Magaalada si xawli ah u sii kordhaya badeecado hor leh oo loogu talo galay dadka Ciidaya.
Somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed (timo)
Hargeysa/Somaliland.
Mawliidguure@yahoo.com