|

Hargeysa: Khasaare ka dhashay rabshado dhexmaray Booliska iyo dad shacab ah oo Saldhig hujuumay

Hargeysa 15, April 2012 (Qurbejoog.com)- Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalena way ku dhaawacmeen markii ay koox shicib ahi weerar ku qaaday saldhiga Iftin ee degmada Axmed-dhagax ee magaalada Hargeysa.

Sida la sheegay, waxay rabshadaasi ka dhalatay markii ay dad shacab ahi isku dayeen inay dhistaan meel dhinaca ku haysa dugsiga Xalane oo ku yaala agagaarka Sariibada Inji.

Dhawaqa rasaasta, waxa laga maqlay qaybo oo caasimadda ka tirsan, waxaana wax yar ka hor (01:45) goobtaas soo gaadhay ciidanka sida gaarka ah u cabirsan ee SPU. Waxa la sheegay in dad dhalinyaro u badan oo saldhiga Iftin oo goobtaas dhabarka ku haya weerar ku qaaday ay qaarkood hubaysnaayeen.

Siday goobjoogeyaal khadka telefoonka ugu xaqiijiyeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, ilaa hadda xaaladu waa mid kacsan, waxaana xabsiga la dhigay tiro badan oo dad ah oo ka mid ah dhinacyo ku muransan dhismaha goobtaas.

La soco wixii warar ah ee ku soo kordha

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed