Hargeysa: Khasaaraha ka dhashay Dab galabta qabsaday Xaafadda State-house ka iyo tirada Danyarta uu caawa dhaxanta biday
Hargeysa 07, March 2013 (SDN)- Dab xooggan oo galabta ka kacay xaafadda isku-raranta ah ee State house-ka ee magaalada Hargeysa, ayaa sababay in inka badan 100 guri ay shuf-beelaan.
Dabka oo gelinkii dambe ee Khamiista maanta ka kacay qayb ka mid ah xaafadda, waxa uu markii hore ka bilaabmay guri cooshad ka samaysan, kaasoo sida la sheegay aan xilligaas qoyska degeni joogin.
Dabku wuxuu ka hor salaadii casar, iyadoo uu dhawr saacadood ka dib lagu guulaystay in la bakhtiiyo, wuxuuna khasaare u geystay inka badan 100 guri oo isugu jira buulal, jiinqado iyo guryo dhagax ah. Inkastoo Dab-damisyada dawladda Hoose ee caasimaddu markiiba gaadheen goobtaas, haddana waxa joojinta dabkaas lagu guulaystay markii uu dhawr saacadood socday.
Guddoomiyaha xaafaddaas Mr. Sulub Ibraahin oo caawa fiidkii u waramay shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, wuxuu sheegay inay tirakoob ku sameeyeen 103 guri oo ay dad danyar ahi lahaayeen oo dabkaas ku gubtay.
Guddoomiyaha wuxuu sheegay in qoysaska guryahoodu gubteen ay dhaxanta wadhan yihiin, isla markaana aanay jirin wax caawino ah oo ilaa hadda la gaadhsiiyay. “Waa kuwaa xadhanta wadhan dhamaantood, sababtoo ah wax alla waxay haysteen way gubteen,” ayuu yidhi gudoomiyuhu. Wuxuu sheegay in aanay arag ilaa hada qof wax ku noqday dabkaas oo ahaa mid si wayn looga dareemay magaalada Hargeysa, isla markaana qiiqiisa laga arkay qaybaha kala duwan ee magaalada.
Xaafadda oo ah mid isku raran ah oo guryaheedu buulal, jiinqado u badan yihiin, waxaa dagan dad danyar ah oo barakacayaal iyo kuwa ajaanib ahiba ka mid yihiin, iyadoo xaafaddaasi aanay ka fogayn xarunta Madaxtooyada Somaliland oo ku taala xaafada Shacabka.
Maaha markii koowaad ee dab qabsado xaafadaas ay dadka danyarta ahi dagan yihiin oo ku taala degmada Ibraahim Koodbuur.
Qurbejoog.com, Hargeysa