|

Hargeysa: Hanti-dhawrka Qaranka oo Xabsiga dhigay masuul ka tirsan wasaaradda Warfaafinta oo ay qaraabo yihiin xaaska Madaxweynihii hore

Hargeysa 01, August 2012 (SDN)- Hanti-dhawrka guud ee qaranka ayaa xabsiga u taxaabay Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee Telefishanka Qaranka (SLNTV) Somaliland Mr. Xasan Maxamuud.

Tan iyo Isniintii todobaadkan, waxa hawl baadhiseed ka waday wasaaradda Warfaafinta koox ka socota Hanti-dhawrka guud ee qaranka, taasoo ka dambaysay in shalay xabsiga loo taxaabo Agaasimihii maamulka lacagta ee Telefishanka SLNTV Mr. Xasan Maxamuud oo ay qaraabo yihiin xaaska Madaxweynihii hore ee Somaliland, marwo Huda Barkhad Aaden.

Ilaa hadda Hanti-dhawrka guud wax war ah kama soosaarin sababaha loo xidhay sarkaalkaas ka tirsan wasaaradda Warfaafinta Somaliland, hase ahaatee waxay u muuqataa in xadhigiisu salka ku hayo ujeedada hawlgalka baadhitaan iyo raadad ku saabsan musuqmaasuq iyo wax-is-dabamarin.

Intii ay xukuumadda xisbiga KULMIYE ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo xilka qabatay, waxa jiray masuuliyiin dhawr ah oo loo xidhay natiijada hawlgalo uu Hanti-dhawrku sameeyay, inkastoo aanu Hanti-dhawraha guud marna si faahfaahsan uga hadlin, natiijo dhamaystirana ka soosaarin baadhitaanada uu ku sameeyo hay’addaha dawladda.

Masuulka la xidhay, waxa uu muddo dheer hayay xilkaas, iyadoo tan iyo markii Telefishankaas 2004 la hirgeliyayba uu ahaa Agaasimaha maamulka lacagta ee SLNTV.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed