|

Hargeysa: Guddoomiye kuxigeenka guddiga Xuquuqal-insaanka dawladda oo ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay

Hargeysa 26, July 2012 (SDN)- Guddoomiye kuxigeenka hay’adda Xuquuqul-insaanka ahna kusimaha guddoomiyaha gudidaas Liibaan Ismaaciil Maxamed, ayaa ka xog-waramay waxyaabahii xafiis ahaan u qaybsamay mudadii sanadka ahayd ee uu shaqaynayey.

Mr. Liibaan waxa uu sheegay inay ugu horayn dejiyeen nadaamkii uu xafiisku ku shaqayn lahaa sida Maaliyadii iyo qorshahii waxqabad iyagoo ku qoondeeyey sidii shacabweynaha Somaliland loo fahamsiin lahaa ruux waliba xuquuqda uu leeyahay ka dib markii ay xidhiidh wada shaqayneed la sameeyeen Hay’adaha dhinaca xuquuqda aadanaha ka hawlgala ee Somaliland xarumaha ku leh, kuwaasoo ay ka mid atahay ayuu yidhi hay’ada Caritas.

Guddoomiyaha xigeenku wuxuu sheegay in waxyaabaha laga xusi karo waxqabadkoodii sanadka koowaad ee qorshaha shanta sano ay ka mid tahay hanaan xafiisku kaga dalbanayo bahda waxbarasho ee Somaliland in manhajka tacliinta sare lagu daro Maaddo ku saabsan Xuquuqda aadanaha. Halka sidoo kalena uu Md Liibaan ku tilmaamay talaabadoodii labaad barnaamij ay iska kaashadaan Hay’ada DRC kaasoo lagu yaraynayo Gaboodfalka Jinsiga ee gaar ahaan ka dhaca xaafadaha dadka barakacaya laga yaabo inay ku sugnaadaan.

Kormeeradii kala duwanaa ee ay gudida Xuquuqul-insaanka qaranku ku soo mareen Xabsiyada iyo saldhigyada Booliska ee inta badan gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayuu guddoomiye xigeenku ku tilmaamay mid ka mid ah qorshayaashii xafiiskoodu ka hawlgalay mudada sanadka ah ee u dambaysay.

Ugu dambayntiina Gud/xigeenka Hay’adda Hay’adda Xuquuqul Insaanka Qaranka JSL waxa uu taataabtay qorshayaasha u degsan ee ay ku talo jiraan mustaqbalka dhow inay u qabsoomaan. Kuwaasoo uu ka carrab baabay xeer No 39 oo ah xeer ka hadlaya awoodaha Gudida Xafiiskaasi.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed