Hargeysa: Guddiga Wanaag-farista Oo U Digay Dadka Bisha Ramadaan Kariya Cuntada Xaaraanta Ah
Hargaysa 01. June 2017 (SDN/QJ):- Guddiga Wanaag farista iyo Xumaan-reebista Somaliland, ayaa farriin digniin ah u diray Dadka inta lagu jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan Cuntooyinka ku kariya meelaha Leexsan, si ay uga iibiyaan Dadka aan Soomin, taasi oo Sharci-darro ah, maaddaama oo lagu jiro Bil Dadka oo dhami Sooman yahay.
Guddiga Wanaag-farista oo kaashanaya Ciidammada ammaanka, ayaa tan iyo Maalintii ugu horeysay ee Bisha Ramadaan bilatay waxay hawl-gallo ay kula dagaalamaan Dadka Cuntada Xaaraanta ah kariya ka wadeen Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Meelaha ay ku tuhmayaan in si sharci-darro ah Cunto loogu karinayo, inta ka horeysa Afurka.
Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Somaliland Xaaji Cawil Xuseen oo ay wehelinayaan Xubno kale oo ka mid ah Guddigaasi oo sidoo kale wada Wacyi-gelin la xidhiidha in laga waantoobo waxyaabaha Soonta Buriya, ayaa isagoo Shalay Saxaafadda la hadlaya wuxuu yidhi “Askartii waa kuwan nala jooga, waxaanu qab-qabanaynaa waa Xaaraanta la karinayo, waxaanu u Mahad-celinaynaa Jananka Booliiska oo aanu taageero weyn ka haysanno, oo kolba meesha aanu wax ku soo aragno marka aanu u sheegno wax nagala qabta, oo yidhaahda Askarta ka kaxaysta Saldhigyada.”
Mid ka mid ah Culimada Guddiga wanaag-farista oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu u digaynaa Dadka aan Xil kaska ahayn ee soo dubta Qureeca iyo Saanbuusaha (Xaaraanta ah), waxaanu leenahay Ogaada Iidinku ma lihidin, oo waxa loo geynayaa Dadka Waalan ee Cisbitaallada ku jira oo u baahan. Gaadhigaa aad arkaysaan iyo Askartaasi siday Subaxii shaqada u bilaabayaan, waxay Suuqa ka rawaxaan Marka Salaadda Casar la Aadaamo, intaana waxay raadinayaan Dab la shiday.”