Hargeysa: Deeq Dhar iyo Kabo ah oo lagu wareejiyay Wasiirka Caddaalada
Hargeysa 6, August 2012 (SDN)- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi, ayaa deeq dhar iyo kabo ka kooban ku wareejiyay wasiirka Caddaalada, taasoo loogu talogalay maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee caasimadda Hargeysa.
Wasiirka Diinta Sheekh Khaliil Cabdullaahi oo hadal ka jeediyay munaasibad loo sameeyay wareejinta dharkaas oo lagu qabtay xabsiga dhexe, waxa uu sheegay in deeqdan dharka iyo kabaha ka kooban uu maxaabiista u fidiyay nin ka mid ah qurbajoogta Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska oo magaciisa la yidhaahdo Cali Dhamac Cabdi.
Wasiirka Caddaalada Somaliland Mr. Xuseen Axmed Caydiid oo isna hadal ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu ka mahadceliyay cid kasta oo gacan ka geysatay deeqdaas oo uu xusay inay maxaabiistu u baahan yihiin gacan-qabashada bulshadooda.
Ugu dambayn, wasiirka Caddaalada iyo wasiirka Diinta oo ay weheliyaan masuuliyiinta Xabsigu, waxay kormeer ku sameeyeen qaybaha xabsigaas wayn oo dib-u-dhis lagu sameeyay 2010.
Qurbejoog.com, Hargeysa