|

Hargeysa: Buundada u dhaw Madaxtooyada oo Roobkii shalay waxyeeleeyay iyo gaadiidka oo ku xanibmay

Hargeysa, 25, April 2012 (SDN)- Buundada agagaarka xarunta Madaxtooyada Somaliland, isla markaana hormarta Maktabada Masaarida oo muddooyinkii u dambeeyay uu ka muuqday dildilaac iyo dhaawac ay u gaysteen roobabkii kal hore ayuu roobkii shalay gooyay, taasoo keentay inay ku xanibmaan gaadiidki u kala gooshayay maxkamadda Hargeysa iyo wadada wadnaha.

Buundadan oo ay hore dhaawacyo u gaadhsiiyeen roobabkii sannadihii hore ayaanay dawladda hoose ee Hargeysa oo masuuliyadeeda lihi si fiican waxba uga qaban, sababaha ugu way nee buundooyinka yar yar ee magaalooyinka dhibaatada u keenana waxa ka mid qashinka oo ay dadweynuhu ku shubaan xilliga aanu roobku jirin, iyadoo taasi sababta in xilli roobaadka ay xanibmaan buundooyinka, isla markaana uu khasaare soo gaadho.

Buundadan u dhaw Madaxtooyada Somaliland ayaa ka mid buundooyinka yar yar ee qadiimka ah, isla markaana dayac-tirka fiican aanay ku samayn dawladda hoose.

Iyadoo uu si rasmi u bilaambay xilli roobaadkii gugu ayaa meelo badan oo ka mid ah caasimadda Hargeysa waxa ka muuqda qashin tuulmay buundooyinka yar yar iyo dawladda hoose oo wali sidii loogu talogalay aan uga hawlgalin.

SDN, Hargeysa

Comments are closed