Hargeysa: Aqoon-iswaydaarsi ku saabsan dhibaatada Gudniinka Fircooga oo u furmay 40 xubnood
Hargeysa July, 29, 2012 (SDN)- Agaasimaha waaxda taranka wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr. Cabdirisaaq Yuusuf, ayaa maanta aqoon-iswaydaarsi ku saabsan dhibaatada gudniinka Fircooga ahi u leeyahay gabdhaha, ka furay magaalada Hargeysa.
Aqoon-iswaydaarsigan oo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxa soo qabanqaabiyay ururka Kalkaaliyeyaasha iyo Umulisooyinka Somaliland, waxaana ka qaybgalaya 40 xubnood oo ka kala socda gobolada Awdal, Saaxil iyo qaybaha ay wada shaqaynta leeyihiin.
Ugu horayn, guddoomiyaha ururka Kalkaaliyeyaasha iyo Umulisooyinka Somaliland marwo Foosiya Maxamed Ismaaciil oo hadal ka jeediyay kulankaas, waxay ka xog-warantay dhibaatada uu leeyahay gudniinka Fircooniga ahi, iyadoo tilmaamtay waxyeelooyinka faraha badan ee uu ku keeno gabdhaha xiliga dhalmada, Guurka iyo nolosheedaba. Sidoo kale, waxay sheegtay in habkani uu saamayn weyn ku yeesho gabdhaha lagu sameeyo gudniinka Fircooniga ah.
Foosiya Maxamed Ismaaciil, waxay ka digtay in la sii wado caadadan xun, iyadoo si gaar ah ugu soo jeedisay dadka ku shaqaysta iyo dadka caafimaadka ka shaqeeya oo ay sheegtay inay qaarkood muddooyinkan dambe ku sameeyaan gabdhahooda, inay joojiyaan caadadaasi xun ee gudniinka Fircooniga ah.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Cawil Xaaji Cali oo ka tirsan masuuliyiinta sare ee hay’adda UNICEF xafiiskeeda Somaliland, waxaanu ka waramay gacanta ay ka gaystaan sidii looga gudbi lahaa caado-dhaqameedkan aan u wanaagsanayn caafimaadka gabdhaha.
Agaasimaha waaxda taranka ee wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr. Cabdirisaaq Yuusuf oo isna hadal ka jeediyay furintaankii aqoon-iswaydaarsigan, waxa uu ka waramay siyaasadda wasaarada Caafimaadka ee ku wajahan gudniinka Fircooniga ah.
Mr. Cabdirisaaq Yuusuf waxa uu sheegay in dhaqankani aanu u wanaagsanayn caafimaadka gabdhaha, isla markaana aanay diinta suuban ee Islaamku ogolayn.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com