|

Hargaysa:Nidaamka Liisan bixinta Dawladda Dhexe iyo Dawladdaha Hoose Oo Khilaaf Ka Dhex Abuuray Ganacsatada Somaliland

Hargaysa 29. March 2017 (SDN/QJ):- Dacwado kala duwan ayaa ka taagan ganacsatada Somaliland dhexdeeda, kuwaas oo ka dhashay Nidaamka Liisan bixinta ee dawladda Dhexe iyo Dawladdaha Hoose oo aan kala xadaysnayn iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta xilalka haya oo Magac-dheeg ku samaynaya shirkaddaha hore u jiray qaarkood.

Nidaamka Liisan bixinta ayaa ah mid aan u kala xadaysnayn Dawladda Dhexe iyo Dawladdaha Hoose, waxaanad arkaysaa iyagoo labaduba ay ganacsatada siinayaan Ruqsado isku mid ah, balse kala duwan oo mara dariiqooyin kala duwan.

Tusaale ahaan qofka doonaya in uu ganacsi ka furto Somaliland ee mara Nidaamka dawladda Dhexe wuxuu maraa oo uu ka bilaabaa Rugta Ganacsiga oo ah hay’ad ka madax banana xukuumadda, Xeer ilaalinta iyo wasaaradda ganacsiga, meel kastana waxa lagaga qaadaa lacag ay u qoondeeyeen inay ka qaadaan Ganacsatada.

Markase ay noqoto muwaadin doonaya in uu ganacsi furto waxa uga fudud Dawladdaha Hoose oo uu ka qaato Liisan, iyadoo laga qaado qiime boqol jeer ka jaban ka laga qaado qofka mara Nidaamka dawladda Dhexe, iyadoo labada Liisan-ba si isku mid ah uu qofku ugu shaqaysan karo, marka uu Meherad furanayo.

Sidoo kale, arrinta muranka badan keenta ee ganacsatada ka dhex taagan ayaa ah inaan la kala xadayn magacyadda shirkaddaha, waxaanad arkaysa magac isku mid ah oo ay la baxeen shirkaddo farabadan, kuwaas oo ay qaarkood-na bixiso Dawladda Dhexe, qaar-na ay bixiyeen dawladdaha Hoose.

Nidaamka Liisan ee dawladda dhexe waxa uu mararka qaarkood sababaa in uu shuruudo ku xidho magac bixinta, isla markaana uu kala duwo magacyadda, hase yeeshee nidaamka Dawladdaha hoose waa mid aan lahayn kala xadayntaas.

Waxaad arkaysaa shirkaddo waaweyn oo dhaqaale badan ku kacay, hase yeeshee magaciisii ay Dawladda Hoose siisay dukaamo yar yar oo laga yaabo in aanu wax dhaqaale ahiba dhex oolin, taasoo meesha ka saarta sumcadda ganacsigaas weyn.

Waxa isa soo taraya sanadahan ugu danbeeyey koru kaca ganacsiga dartii in ay dad badan oo xukuumadda saamayn ku lihi dheegtaan ama qaataan magacyadda shirkaddaha waaweyn ee hirgalay, kuwaas oo ay Dacwadahoodu buux dhaafiyeen Rugta Ganacsiga, Xeer ilaalinta iyo Wasaaradda Ganacsiga.

Dhibaatadan soo korodhay oo saamayn ku yeelatay ganacsato farabadan waxa loo baahan yahay inay hay’addaha Xeer dajintu ka soo saaraan Nidaam kala soocaya, ama haddiiba ay jiraan kuwo hore loo sameeyey ay hay’addaha garsoorka ama kuwa xukuumiga ahiba ku dabaqaan dacwadaha taagan ama kuwa iman doona.

Comments are closed