HARGAYSA:Ciidanka Ammaanka Oo Bilaabay Dabargoynta Dhalinyarada + Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Af-ka Xidhay
Hargeysa,18Aug,2015(QJ/SDN)-Ciidanka Booliska Magaaladda Hargaysa,ayaa Wiil dhalinyaro ah ku toogtay Xaafadda Daami ee Magaaladda Hargaysa.sida ay wararka laga helayo Xaafaddaasi sheegayaan Waxa Labaddii Maalmood ee ugu danbaysay halkaas isku baacnayay Kooxo dhalinyaro ah oo isla Xaafadda wadda degan,waxaana la sheegayaa in aanay Ciiddaamadda Amaanku kala dhex-galin,isla markaas aanay jirin Saldhig Boolis oo Ay Xaafaddu leedahay.Balse waxa jira Rug Boolis oo ay joogan dhawr Askari oo aan lahayn Awood ah ku kala dhex galaan Dhalinyaradda.
Wiilka oo Magaciisa la yidhaahdo Axmed Saxardiid,ayaa Ciidamaddu ay Madaxa Xabad kaga dhufteen,waxaana hadda dhaacisii lagula tacaalayaa Cisbitaalka Wey nee Magaaladda Hargaysa.
Siyaasiga Barkhad Cismaan Batuun ayaa sheegay in Ciidanka Boolisku ay gaabsadeen inay kala dhex-galaan Caruurta markii ay Bilamantay isku dhaco oo ugu yaraan ay hal maalin kasoo waraagetay,waxaana uu intaas raaciyay inay Arrintaas ku dhaliilan-yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Iyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Cabdilahaai Fadal Iiman.
Si kastaba ha ahaatee,dhacdan ayaa kusoo beegmaysa iyadda oo in ka yar Saddex todobaad Magaaladda Hargaysa ay Ciidanka Amaanku ku toogtee Saddex dhalinyaro ah,kuwaas oo Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliskuba ay si qabaw uga hadleen.’